Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Hey’adda Maareynta oo Ka Qeybgalay Shirka Bin’aadannimada ee Geneva

Recommended Posts

Deeq A.   

Gudoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka ee SODMA Mudane Maxamud Macallin ayaa shirka Arimaha Bin’aadannimada kaga qayb galay Magaalada Geneva ee dalka Switzerland isagoo halkaa ka jeediyay qudbad uu kaga hadlay xaaladda bini aadinimo ee ka jirta Soomaaliya.

Shirkaan oo ay soo qaban qaabisay Qaramada midoobay ayaa u jeedadiisu ahayd sidii Dalka Soomaaliya loogu tabaruci lahaa, looguna aruuri lahaa deeq maaliyadeed si wax looga qabto arimaha bini aadinnimo iyo Barakacayasha ka dhashay fatahaadaha Baarsheere, iyo colaadaha ka jira dalka.

Shirka ayaa waxaa ka soo qaybgalay wadama deeqda bixiye sida Midawga Yurub, China iyo wadamada Arabta, sidoo kale waxa shirka qayb ka ahaa hay’adaha aan dowliga ahayn iyo kuwa Qaramada Midoobay ee ka shaqeeya hawlaha bini aadinnimada

Shirka ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay Wasiir dowlaha wasaaradda Deegaanka iyo isbedelka Cimiladda Aadam Aw Xirsi, iyo wafuud kale oo ka socotay hay’adaha aan dowliga ahayn ee ka hawl gala dalka, shirkaan ayaa waxaa soo qabanqaabisay Qaramada MIdoobay.

WhatsApp-Image-2023-04-05-at-13.41.29-1. WhatsApp-Image-2023-04-05-at-13.41.29.jp WhatsApp-Image-2023-04-05-at-13.41.28-1. WhatsApp-Image-2023-04-05-at-13.41.28.jp WhatsApp-Image-2023-04-05-at-13.41.27.jpGoobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this