Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Will he last beyond this year?

Recommended Posts

Will what Fahad Yaasiin called 'kaansarka Soomaaliya lagu abuuray' survive politically beyond this year? He is becoming increasingly isolated, including losing the confidence of his Kiikuuyo masters.

Axmed Madoobe oo wajahaya cadaadiskii ugu xooggana ee siyaasadeed

Hoggaamiyaha muddada fog madaxda ka ah maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa wajahaya cadaadiskii siyaasaddeed ee ugu xooggana in muddo ah.

Axmed ayaa lumiyay saaxiibadiisa siyaasadeed wixii ka dambeeyay doorashadii heer federaal iyo markii uu ku darsaday muddadiisa xil-haynta.

Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Senator Iftin Xasan Baasto waxay ahaayeen labada xubnood ee ugu dhaw Axmed Madoobe dhanka xubnaha Aqalka Sare ku metela Jubbaland.

Waxay sabab u ahaayeen in muddo ah inuu Axmed Madoobe helo taageero ka baxsan beeshiis hoose, waxayna kale oo si heer federaal ah u difaaci jireen xukunka Axmed Madoobe ee 10-ka sano Kismaayo dhaafin.

Hadda Fartaag iyo Iftin waxay banaanka u taagan yihiin in saaxiibkoodii siyaasaddu xukunka wareejiyo. Dhowr jeer oo ay hadleen bilihii ugu dambeeyay waxay ku doodeen in la arkay waxa uu Axmed Madoobe tari karo reer Jubbaland, sidaas darteedna loo baahan yahay weji cusub oo keeni kara hal abuur Jubbaland ku dhaafto Kismaayo.

Sidoo kale siyaasiyiinta Axmed Madoobe ku xisaabta ah xagga qabiilka sida Oomaar, Shakuul iyo xubno kale oo ka hadlay marxalada cusub ee Jubbaland ayaa Axmed Madoobe ugu baaqay inuu doorasho qabto, xukunkana si nabad ah ku wareejiyo.

Bishii August 2019 ayaa Axmed Madoobe dib loo doortay, doorashadaas waxaa markii hore diiday dowladda federaalka ah, laakiin ugu dambeyn dowladdii Farmaajo aqoonsi laba sano ayay siisay Axmed Madoobe.

Markii tirinta laga soo bilaabo bisha August 2019 muddo xileedka Axmed Madoobe waxa uu ku eegyahay bisha August ee sanadkaan 2023.

Sida ku qoran Dastuurka Jubbaland muddo xileedku waa afar sano, hoggaamiyaha maamulkana laba jeer ayuu xeerka siinaya inuu maamulka hoggaamiyo. Axmed Madoobe ayaa dhawaan bedddalay qodobka Dastuurka ee muddo xileedka isaga oo ka dhigay shan sano, waa sida ay sameeyen Qoor-Qoor, Lafta-gareen iyo Cali Guudlaawe.

Siyaasiyiinta reer Jubbaland ayaa diidan illaa hadda halka sano, waxay u dagaalamayaan in bisha August ee sanadkaan Jubbaland doorasho ka dhacdo. Rejo dowladeed iyo Jubbaland mideysan kama dhex muuqato Axmed Madoobe ayay leeyihiin dadka sida weyn u naqdinaya siyaasadiisa.

Axmed Madoobe hadda ma haysto taageero shacab iyo mid siyaasadeed. Muddo fog waxaa loo arkayay siyaasi ku tiirsan dowladda Kenya, balse iyadana su’aal ayaa dul saaran kadib markii la sheegay in Nairobi ay dhankeeda ka fikireyso waji cusub oo ay kala macaamisho arrimaha Jubbaland.

Gobolka Gedo weli waa buddo gooni u tuman, gobolkaas baaxada leh ayaa si weyn looga diidan yahay nidaamka Axmed Madoobe.

Ciidan Itoobiyaan ah oo qeyb ka ah howl-galka cusub ee lagu qaadayo Al-Shabaab ayaa soo galaya Jubbaland, kuwaasi oo la filayo inay qabteen illaa Bu’aale, haddii taasi dhacdo iyada oo aanay Axmed Madoobe iyo Itoobiyaanka is qaadan waa culeys kale ayay leeyihiin dadka ka faalloonaya arrimaha Jubbaland.

Waxaa jira war sheegaya inuu Axmed Madoobe kala hadlay dowladda Imaaraadka Carabta inay isaga iyo Itoobiya isku soo dhaweyso, taasi oo aan la ogeyn inay weli miro-dhashay.

Axmed Maxamed Islaam waxa uu raadinayo dariiq walba oo kusii joogi karo xukunka ayay leeyihiin dadka sida dhaw ula socda arrimahaasi.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa weli caddeyn la’ mowqifkeeda arrimaha Jubbaland. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lasoo warinaya inuu qorsheynayo in uu safar ku tego magaalada Garbahaarey, isaga oo raadinaya Jubbaland loo dhan yahay.

Laakiin waxaa aad u adag ayaa la leeyahay sida dadka reer Jubbaland loogu qancin karo in Axmed Madoobe uu sii joogo xafiiska, kaas oo ku guul-dareystay inuu dhawr iyo toban sano xukunkiisa dhaafiyo magaalada Kismaayo.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this