Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska Puntland oo Boosaaso ku qabtay gaari siday lacago been abuur ah

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1680190230226.jpg?resize=606%2C42

Ciidanka Booliska dowladda Puntland ayaa hawlgal qorshaysan oo ay ka sameeeen Boosaaso waxay ku qabteen gaari waday lacago been abuur ah.

Warbixin lagu daabacay bogga gaarka ah ee Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in Ciidanka Booliska ay Boosaaso ku qabteen gaari waday lacago yuuro madow ah iyo shakhsigii watay.

” Booliska Puntland ee Gobolka Bari ayaa gacanta ku soo dhigay gaari wadday lacago Euro madow ah iyo shaqsigii wadday” ayaa lagu yiri warbixinta.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in gaariga oo ka yimid degmada Xaafuun gacanta lagu dhigay xilli uu soo galayay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

PUNTLAND POST

The post Booliska Puntland oo Boosaaso ku qabtay gaari siday lacago been abuur ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this