Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbixin:Maraykanka oo soomaaliya u soo magacaabay safiir aan caadi ahayn oo awood buuxda ku metela

Recommended Posts

Deeq A.   

Maraykanka oo soomaaliya usoo magacaabay safiir aan caadi ahayn oo awood buuxda ku metela

whatsapp sharing button
email sharing button
 2023330638157383493070165.jpg
Mareykanka ayaa Ambasador Richard H. Riley, usoo magacowday Safiir aan caadi aheyn oo Soomaaliya u fadhindoona, kaas oo haysta awood buuxda oo uu kumatalo dawladda Mareykanka.
Safiirka cusub ayaa darajo sare ka gaaray siyaasadda arrimaha dibada ee Maraykanka.Richard H. Riley, waa xubin ka tirsan Adeegga arrimaha dibadda ee sare. Waxa uu noqday La-taliyaha arrimaha dhaqaalaha ee Safaaradda Maraykanka ee Ottawa, Canada.

Safiirka cusub wuxuu soo ahaa Qunsulka guud ee Mareykanka ee Peshawar, Pakistan. Waxa kale oo uu ka soo shaqeeyay hawlo hogaamineed oo sare sida safiir ku xigeen (Charge d’Affaire), iyo ku xigeenka madaxa safaaradda Maraykanka ee Oslo, Norway, kaaliyaha madaxa safaarada Maraykanka ee Kabul, Afgaanistaan, ku xigeenka madaxa ergada Safaaradda Mareykanka ee Sanca, Yemen, iyo Wakiilka Sare ee Kooxda Dib u dhiska Gobolka Nangahar, Afgaanistaan.

Sidoo kale wuxuu soo ahaa, Agaasime Ku-xigeenka Xafiiska Masar ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Isuduwaha Sare ee Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqul Insaanka ee Safaaradda Maraykanka ee Baqdaad, Ciraaq.

Haddii senate-ka Mareykanka uu meel mariyo waxa uu bedeli doonaa Larry André oo xilka hayay tan iyo Febraayo 2022.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this