Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasaaraha ka dhashay markab rakaab siday oo ku gubtay Filibiin

Recommended Posts

Deeq A.   

Ugu yaraan 28 ruux ayaa ku dhintay,230 kalena waa laga soo badbaadiyay kadib markii markabka rakaab siday uu ku gubtay dalka Filibiin.

Dabka ayaa ka bilowday qolalka qaboojiyaha ee markabka habeenimadii Arbacada ee la soo dhafay iyadoo aysan xaqiijin saraakiisha Amniga Xeebaha Filibiin waxyaabah sababay in dabkaan u ka kaco Markabka.

Dadka ku dhintay dabka ayaa waxa ka mid ah saddex carrur ah oo u ku jiray ilmo jiray Lix bilood  wallow aan la sheegin tirada sexda ah ee rakaabka la socday markabka,Ilaalada xeebaha Filibiin ayaa sheegay in hawlgalka baadigoobka iyo samatabbixinta ay wadaan.

Ilaalada xeebaha dalkaas ayaa sheegay in ay gacan ka geysan doonaan baaritaanka iyo qiimeynta nabad galyada Markabka sidoo kalan ay hubindoonaan in u shidaal ku daadanayo gudaha Markabka dabku ka kacay.

PUNTLAND POST

.

The post Khasaaraha ka dhashay markab rakaab siday oo ku gubtay Filibiin appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this