Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo sheegay in uu wada-hadal la galayo jabhadda OLA

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa Talaadadii sheegay in maamulkiisu uu isku dayayo inuu wadahadal la yeesho ‘jabhad sharci-darro ah’ oo inta badan ka hawlgasha gobolka Oromiya.

Hadalka Abiy Axmed uu u jeediyay xildhibaannada ee ku saabsan inuu xiriir la sameeyo ciidanka Xoreynta Oromada (OLA) ayaa yimid iyadoo ay socdaan dadaallo lagu doonayo in lagu soo celceliyo geeddi-socod nabadeed oo bishii November la gaaray colaadda ka taagneed waqooyiga gobolka Tigray, si loo soo afjaro dagaalka.

“Dawladdu waxay danaynaysaa in khilaafka (OLA) lagu xalliyo hab nabadeed. Dan kaliya ma ahan, ee sidoo kale waxaa la dhisay guddi loo xil saaray inay hormuud ka noqdaan geeddi-socodka nabadda, in ka badan 10 isku day iyo xiriir ayaa lala sameeyay (OLA)” ayuu yiri Abiy.

Afhayeen u hadlay jabhaddaas oo la yiraahdo Odaa Tarbii ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press in hadalka ra’iisul wasaaraha uu yahay mid yimid wakhti aan munaasib aheyn oo xaqiiqada aan waafaqsanayn.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo sheegay in uu wada-hadal la galayo jabhadda OLA appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this