Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo diiday Codsi uga yimid Ruushka

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Isniintii diiday codsi ka yimi dalka Ruushka oo ahaa in baaritaan lagu sameeyo weerarkii lagu qaaday dhuumaha shidaalka ka soo qaada dalka Ruushka ee geeya dalalka Yurub, ee loo yaqaan Nord Stream 1 iyo 2.

Ruushka, Shiinaha iyo Brazil ayaa u codeeyey codsiga Ruushka, hase ahaatee xubnaha kale ee golaha ammaanka ayaa ka aamusay ama sheegay inaan loo baahnayn in baaritaan lagu sameeyo arrintan.

Danjire ku xigeenka Maraykanka u jooga Qaramada Midoobay ayaa sheegay in aan loo baahnayn in Qaramada Midoobay ay baaris samayso, iyada oo ay baaritaan wadaan Sweden, Jarmalka iyo Denmark.

Sida uu yahay dhaqanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, qaraarkasta oo dhaqan gal noqonaya ayaa u baahan in sagaal xubnood oo ka mida 15-ka xubnood ee Golaha in ay u codeeyaan “haa” iyo weliba inaanu diidmada qayaxan isticmaalin mid ka mida shanta dal ee xubnaha joogtada ka ah golaha Ammaanka.

PUNTLAND POST

The post Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo diiday Codsi uga yimid Ruushka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this