Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Galkacyo fighting result 12 dead

Recommended Posts

Khasaaro ka dhashay dagaalada ka socda Gaalkacyo

October 29, 2009 filed under NEWS IN SOMALI · Comments (0)

Khasaaro ka dhashay dagaalada ka socda Gaalkacyo | read this item Horseed Media

 

News Desk.

 

Inta la ogyahay 12-qof ayaa ku dhimatay dad intaasi ka badan way ku dhaawacmeen dagaal iminka ka soconaaya agagaarka Suuqa Weyn ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug,kaasi oo u dhaxeeya Ciidamada Dowlada Puntland iyo maamulka Galmudug.

 

Dadka dagaalkaasi ku geeriyooday iyo dhaawaca ayaa waxaa ay isugu jiraan Ciidamada Dowlada Puntland iyo dadka rayidka ah ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug sida Horseed Media ay u xaqiijiyeen Saraakiisha caafimaadka ee Cisbitaalka weyn ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

 

Dagaalka oo markiisi hore ka bilowday howlgalo burburin guryo sharci daro ah ay ku sheegeen maamulka degmada iyo diidmo ay ka muujiyeen ganacsatada suuqaasi ayaa waxaa u soconaaya ku dhowaad toban saacadood,iyado dhawaaqa rasaasta laga maqlaayo gebi ahaanba magaalada Gaalkacyo.

 

Dhaawaca kala duwan ayaa marba marka ka dambeysa la soo gaarsiinaaya cisbitaalka weyn ee magaalada,kuwaasi oo baabur kala duwan ay ka soo daabulayaan aaga dagaalka.

 

Cisbitaalka weyn ee magaalada ayaa maanta ka badalan sidi u ahaa waqtii hore,waxaana Cisbitaalkaasi hareeyay dhaawaca iyo meydka ku soo waxyeeloobay dagaalkaasi.

 

Xirriiro kala duwan oo Horseed Media ay la samaysay maamulka Galmudug ayaa suurto gelin Isgaarsiinta oo aad u xun daraadeed,waxaana la shaacin khasaaraha dhinacaasi maadaama u dagaalku waqtigan soconaayo.

 

Warar Xog Ogaal ah ayaa waxaa ay sheegaayan in gurmad u soo gaaray ciidamada Galmudug,iyadoo maamulka Puntland ciidan ka tirsan oo ka soo ambabaxay Garoowe ay saacadaha soo socda soo gaari doonaan magaalada Gaalkacyo.

 

Ma jirto ilaa iyo iminka cid u istaagtay sidi ay u kala dhexgali lahayd labadaasi dhinac,waxaana dagaalku uu u muuqanaaya mid si xoogaysanaaya marba marka ka dambaysa.

Horseed Media

 

 

Back to Top

Share this post


Link to post
Share on other sites

Galkacyo: Wararkii ugu dambeeyey ee magaalada Gaalkacyo....

29. oktober 2009

 

APL

Tool

 

Send This Article To A Friend By Email | Saaxiibkaa warkaan ugu *** Email

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

Print This Article | Daabaco warkaan

 

 

 

Galkacyo(AllPuntland)- Wararkii ugu dambeeyey ee ka soo dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in ay wali socdaan dagaalo udhaxeeya ganacsatada Waqooyiga ee magaalada Gaalkacyo iyo Maleeshiyaad ka soo jeeda Maamulka Galmudug.

 

Dagaalada oo bilowday maantadii hore ayaa geystay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac kala garay labada dhinac, waxaana dhinaca Waqooyiga ee magaalada kaga dhintay dagaalkaasi, sida ay sheegayaan goobaha caafimaadka dad gaaraya 4 qof, halka ay ka dhaawacmeen dad ka badan 20 ruux, sida ay APL usheegeen Saraakiil Caafimaad.

 

Koonufurta magaalada ayaa wararka laga helayo ay sheegayaan in ay jiraan khasaare, isla markaasna ay dhinteen tiro aan sugneyn oo ah dhinicii ku jiray dagaalka iyo dad shacab ah oo rasaastu haleeshay.

 

Labada dhinac ayaan wali ka hadlin dagaalka, waxaana Maamulka Puntland ay sheegeen in ay hada ku jiraan dadaalo ku aadan sidii wax looga qaban lahaa dagaaladaasi.

 

Odayaasha dhaqanka ee dhinaca Koonfureed oo la xaqiijiyey in ay saakada dagaaladan bilaabeen, ayaa sheegay in ay ku jiraan dadaalo ku aadan sidii loo joojin lahaa dagaaladaasi, ayagoo sheegay in aad uga xun yihiin falkaasi.

 

Maamulka Puntland ee ku sugan magaalada Galkacyo ayaa leh wada xaajoodyo ku aadan xaaladahan soo kordhay, waxa ayna aad uga careysan yihiin talaabadii ay ciidamo taabacsan Galmudug saaka weerarka ugu qaadeen Duqa Magaalada Gaalkacyo C/rixmaan Xaaji Xasan.

 

Duqa magaalada ayaa dhaawac fudud ka soo gaaray qarax bam oo saaka lugu qaaday, markii uu hor-socday Shaqaalaha dawladdaha Hoose oo ku jiray dar-dar ku aadan wanaajinta bilicda magaalada Gaalkacyo.

 

Dagaaladii maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo, ayaa lasheegay in aysan galin ciidamada dawladda Puntland ee ku sugan magaalada Gaalkacyo, balse ay galeen oo kaliya ganacsatada magaalada iyo ciidamada dawladda Hoose ee magaalada Gaalkacyo oo saaka weerar lugu soo qaaday.

 

F. C. Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaal u dhaxeeya Ciidamo Maamullada Puntland iyo Gal-Mudug oo ka socda Magaalada Gaalkacyo

Written by Jidbaale

Thursday, 29 October 2009 13:31

 

 

Gaalkacyo(Jidbaale):-Wararka naga soo gaadhaya magaalada Gaalkacyo ee Xarunta u ah gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in uu goor dhaweyd halkaas ka qarxay dagaal u dhaxeeya Ciidamo kala taabacsan Maamullada Puntland iyo Gal-Mudug ee Waqooyiga iyo Koofur Magaaladaas ka kala taliya.

 

 

 

Dagaalkan oo ka socda Xaafadda Godka Cusbada ee Magaalada Gaalkacyo ayaa sida la sheegay ka dhex bilowday Ciidamada Dowladda Hoose ee Puntland iyo ciidanka Gal-Mudug ka soo jeeda oo ka cadhooday howlo lagu burburinayay guryo la sheegay in sharci darro loo dhisay waddooyin ay gaadiidka iyo dadka maraan oo badhtamaha Magaalada marta, wuxuuna kaddib dagaalka u sii gudbnay in ay ciidamada labada maamul dagaalka si buuxda u soo galaan, dagaalkana uu sii xoogeysto.

 

 

 

Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo aan yareyn oo labada dhinac ah ayaa la soo sheegayaa in uu dagaalkan geystay, hayeeshee ma jirto cid xaqiijin karta tirada rasmiga ah ee dagaalka ku dhimatay ama ku dhaawacantay, waxaana taas ugu wacan iyadoo weli uu dagaalka socdo.

 

 

 

Dagaalkan ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo saacadihii la soo dhaafay ay mas’uuliyiin ka tirsan labada maamul ay dhinaca Warbaahinta isu marsiinayeen eedeymo iyo hadallo lid isku ah oo ku saabsan in uu dhinacba kan kale uu ku soo gardarrooday.

 

 

 

Jidbaale.com@gmail.com This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 

Last Updated on Thursday, 29 October 2009 13:44

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Dagaalki ka socday Gaalkacyo oo goor dhowayd Istaagay.

 

October 29, 2009 filed under NEWS IN SOMALI · Comments (0)

Dagaalki ka socday Gaalkacyo oo goor dhowayd Istaagay. | read this item Horseed Media

 

Breaking News

 

Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegaayan in dagaalki u dhaxeeyay ciidamada Puntland iyo maleeshiyaadki maamulka Galmudug u joogsaday ka dib marki ay soo jeediyeen in la joojiyo dagaalka masuuliyiin ka socota Dowlada Puntland,Odeyaal,Culima’udin iyo Waxgarad kale.

 

Wasiirka caafimadka Puntland Bashiir Cali Biixi oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa ka mid ah masuuliyinta ku baaqay in dagaalaka ay joojiyaan labadaasi dhinac,waxaana Wasiirku u baaqaasi ka jeediyay mid ka mid ah masaajidada magaaalada Gaalkacyo.

 

Dad Xog Ogaal ah oo kala duwan oo Horseed Media ay la xirrirtay ayaa waxaa ay sheegeen in gebi ahaanba ay joogsadeen hubkii kala duwana ee la isku adeegsanaayay,kuwaasi oo soconaayay mudo ku dhowaad 10-saacadood.

 

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in labada ciidan ee dagaalku u dhexmaray ay isku hor fadhiyaan agagaarka Suuqa weyn ee magaalada Gaalkacyo,isla markaasina ay ku howlanyihiin ciidamadaasi daad guraynta meydka iyo dhaawaca u dagaalkaasi keenay.

 

Waxaa muuqanaaya in 10-saacadood oo u socday dagaalkaasi ka dib in Waxgaradku ay istaageen sidi ay xiisadaasi keentay colaada ay meesha uga saari lahaayeen.

 

Dadweynaha ayaa ka cabsi qaba in dagaal u dib uga qarxo magaalada maadaama ay is horfadhiyaan ciidamadaasi.

 

Si kastaba xaalada magaalada Gaalkacyo ayaa maalmihii ugu dambeeyay u muuqanaysa mid ka badalan kuwi horeeyey,waxaana amaanka Magaalada iminku yahay mid aan sugneen.

 

Wixii ku soo kordha kala soco Horseedmedia.net

 

Horseed Media.

 

 

Dont get excited!!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this