Sign in to follow this  
Cowke

Puntland President Names 1st Of August Commitee

Recommended Posts

Cowke   

Madaxweynaha Puntland Oo Magacaabay Guddiga Ka Shaqaynaaya Munaasabada 1-da August

 

 

Wareegto lambarkeedu yahay sideed kuna taariikhsanayd 15.7.2010 ayaa Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Maxamuud uu ku magacaabay guddi ka kooban 13-xubnood,kaasi oo ka shaqayn doona abaabulka munaasabada 1-da August ee fooda inagu soo haysa oo ku beegan sanadguuradii 12-aad ee kasoo wareegtay aas aaska Puntland.

 

Wasiiru dowlaha maamul wanaaga Puntland Maxamed Faarax Ciise Gaashaan oo la hadlaayay Horseed Media ayaa sheegay guddigaasi ay ka kooban yihiin golaha wasiirada Puntland iyo dadweynaha rayidka ah.

 

Wuxuuna intaa ku daray in guddigaasi kulamo uga soconaaya magaaladda Garoowe ay uga arinsanayaan munaasabadaasi.

 

Guddiga ayaa waxaa ay kala yihiin;

 

1-Guddoomiye Wasiiru dowlaha maamul wanaaga Maxamed Faarax Ciise Gaashaan

 

2-Guddoomiye kuxigeen Wasiirka Haweenka iyo arrimaha qoyska Puntland Marwo Caasho Geelle Diiriye

 

3-Xubin Wasiir kuxigeenka wasaarada warfaafinta Cabdulaahi Maxamed Faarax Aswad

 

4-Xubin Wasiir kuxigeenka deegaanka iyo duur joogta Cismaan Cawad Cali

 

5-Xubin Wasiir kuxigeenka wasaarada shaqada Siciid Daahir Qodax

 

6-Xubno la taliyaasha Madaxweynaha Gaashaanle sare Yaasiin Cumar Dheere

 

7-iyo Abwaan Xassan Xaaji Guul wade

 

8-Xubin Maareeyaha guud ee akadeemiyadda dhaqanka Puntland Axmed Sheikh Jaamac

 

9-Xubin Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali Qarjab

 

10-Xubin Guddoomiyaha degmada Garoowe Cabdicasiis Nuur Cilmi

 

11-Xubin Guddoomiyaha daladda dhalinyarada Maxamed Muuse Maxamed

 

12-Xubin u qaabilsanaha waaxda arimaha bulshada ee wasaarada Haweenka Xaliimo Cali Biyood

 

13-Xoghayaha guddiga Cali Muuse Gaaf guutaale

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Puntland oo u Diyaar Garoobeysa Xuska 1-da August

 

Garowe) RBC: Mamulka Puntland ayaa wado diyaar garow xogan oo ku aadan sidii xus wayn loogu samayn lahaa sanad guuradii 12aad ee aas aaskii Maamulka Puntland sanadii 1998 oo aheed xiligii Mamulka Puntland la hirgaliyay

 

Dhaq dhaqaaq ku aadan maalintaa iyada ah sidii xus wayn loogu samayn lahaa ayaa laga dareemayaa Xarunta madaxtooyada Magaalada Garowe waxaana arintaan iminka wado dowlada ku shegtay in maalintaa ay tahay malin ku wayn shacabka Puntland .

 

Wasiirka Maamul wanaaga Puntland maxamed Faarax Ciise Gashaan iyo xubna kale aya loo xilsaaray maalintaa 1 agusta in ay qaban qabiyaan waxaana socda kulama kala duwan oo ay arimahaa kaga tashanayaan sidii ay ka yeeli lahaayeen sida qaar ka mid ah xubanahaa RBC u sheegeen.

 

1agusta ayaa sanadii aan ka soo gudbnay si wayan looga xusay Magaalada Garowe waxaana lugu qabtay Caasimada Puntland ee Garowe Munaasabad ay ka soo qayb galeen Madaxwayanaha Puntland iyo labada Gole taa oo aheed markii labaad ee la xuso 1 agusta oo loo aqoonsaday aas aaskii Puntland .

 

Xuska maalintaa ayaa ah mid dadku siwayn uga war dhoorayaan waxaana la filayaa in loo qabto Munaasabado maalintaa lugu xusayo maadama maalintaa ay tahay maalin kuwayn shacabka Puntland .

 

Waxaa u noqonaya xuskii labaad ee uu qabto Maamulka iminka jira hadii uu xuskaan qabsoomo tan iyo xiligii la soo magacaabay sanadii 2009 bishii Janaayo xiligii uu badalay mamulkii ka horeeyay ee G/Cade muuse kidib markii cod akhlibiyad leh ka helay Golaha Wakiilada Puntland

 

RBC NEWS

 

Xafiiska Garowe

 

C/raxmaan ilkacase

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Garoowe:(Allpuntland)-Iyadoo 1-da bisha 8-aad ee Sanadkan oo ay Maalmo koobani nagaxigaan ay ku beegantahay markii Dhidibada lootaagay Maamulka Puntland oo imika 12-sano jirsaday ayaa waxaa gobolada kaladuwan ee Puntland kabilowday diyaar garowga & u istaaga xuska Maalinta ay Puntland 12-sano jirsanayso.

 

Qaarkamid ah gobolada Puntland ayaa markiiba waxaa ka bilowday hadal haynta shucuubta reer Puntland & sida uu xuskani noqondoono,waxaana sidoo kale jira Kulamo ay leeyihiin Saraakiil & madax katirsan Maamulka Puntland oo magaalooyinka Gaalkacyo,Garoowe,Qardho & Boosaaso kuyeeshay kulamo ay kayeelanayaan sidi uu maamul kasta oo heer gobolk ama mid degmo xuskiisa u hagaajisan lahaa.

 

Inkasta oo ay Maamulada Gobolada ka baxsan caasimada Puntland kulamadaas qaateen ayaa hadana waxaa maanta kulankoodii ugu horeeyey isuguyimid Gudi uu Madaxweynaha dawlada Puntland ee Soomaaliyeed u magacaabay inay Xus heer qaran ah oo Caasimada lagu dhigi doono soo qaban qaabiyaan,waxaana gudigan oo dhinacyo kaladuwan leh islamarkaasna ka kooban 13-Xubnood ay kala yihiin sidan:-

 

1-Guddoomiye Wasiiru dowlaha maamul wanaaga Maxamed Faarax Ciise Gaashaan.

 

2-Guddoomiye kuxigeen Wasiirka Haweenka iyo arrimaha qoyska Puntland Marwo Caasho Geelle Diiriye.

 

3-Xubin Wasiir kuxigeenka wasaarada warfaafinta Cabdulaahi Maxamed Faarax Aswad.

 

4-Xubin Wasiir kuxigeenka deegaanka iyo duur joogta Cismaan Cawad Cali.

 

5-Xubin Wasiir kuxigeenka wasaarada shaqada Siciid Daahir Qodax.

 

6-Xubno la taliyaasha Madaxweynaha Gaashaanle sare Yaasiin Cumar Dheere.

 

7-iyo Abwaan Xassan Xaaji Guul wade.

 

8-Xubin Maareeyaha guud ee akadeemiyadda dhaqanka Puntland Axmed Sheikh Jaamac.

 

9-Xubin Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali Qarjab.

 

10-Xubin Guddoomiyaha degmada Garoowe Cabdicasiis Nuur Cilmi.

 

11-Xubin Guddoomiyaha daladda dhalinyarada Maxamed Muuse Maxamed.

 

12-Xubin u qaabilsanaha waaxda arimaha bulshada ee wasaarada Haweenka Xaliimo Cali Biyood.

 

13-Xoghayaha guddiga Cali Muuse Gaaf guutaale.

 

Gudigan oo intoodabadani ay qabanqaabiyeen Xafladii 11-aad ee Sanadguurada Puntland markii la aas aasay oo sanadkii hore laqabtay ayaa waxaa ay noqotay midi ugu heerka saraysa ee ay Puntland dhigto intii ay jirta,waxaana sidoo kale Xafladaas oo uu Madaxweyne Faroole qabanqaabiyey islamarkaasna gudiyo kaladuwan usameeyey ay noqotay midii ugu wanaagsanayd oo Soomaalinimo ka muuqato oo dalka laga dhigo tan & markii ay burburtay dawladii dhexe ee Soomaaliya.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this