Deeq A. Posted March 24, 2023 Daadad xooggan ayaa ku soo rogmaday degmada Baardheere ee gobolka Gedo, waana markii labaad muddo toban maalmood gudahood ah. Saddex qof oo isku qoys ah, hooyo, gabadheeda iyo wiil ay ayeeyo u ahayd ayaa ku dhintay daadad xalay ku soo rogmaday degmada Baardheere. Daadadka ayaa yimid xilli biyo ay jabiyeen qeybo ka mid ah jiinka webiga Jubba, kuwaasoo ku fatahay guryihii dadka deegaanka, isla markaana ay dadka ku qasbay inay naftooda la baxsadaan. Dhowr qof ayaa horay ugu dhitay daadad todobaadkii hore ku soo rogmaday Degmada Baardheere. PUNTLAND POST The post Daadad khasaare dhaliyay oo ku rogmaday degmada Baardheere appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites