Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Taliyaaniga oo Gaadiid Ku Wareejisay Ciidan Booliiska Soomaaliyeed

Recommended Posts

Deeq A.   
Wasiiru dowlaha amniga iyo taliyaha Booliiska ciidan Soomaaliyeed ayaa Ka qeyb galay Munaasabad Safaaradda Talyaanigu ku Wareejisay Gaadiid dowladda Talyaanigu ugu deeqday Ciidamada Boliiska Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya.
Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed General Sulub Axmed Firin oo ka hadlay munaasabadda ayaa uga mahadceliyay Dowladda Talyaaniga taageerada ay siiso Ciidanka Boliiska.
Gaadiidka ciidanka lagu wareejiyey ayaa ka ah sedex gaadiid, kuwaas oo ah nuuca qafilan ee ciidanka daabula, dowlad Taliyaaniga ayaa qeyb ka geysta taageerada iyo agabka ciidanka.
Safiirka Talyaaniga Roberto Vechi ayaa sheegay inuu Talyaanigu taageerayo codsiga madaxweynaha Jamhuuriyaddu ujeediyay madaxda Talyaaniga si ay gacan uga geystaan howlgalada ka dhanka Al-shabaab.
Maxamed Cali Xagaa, ayaa ka mahadceliyay taageerada iyo garab istaagga dowladda Talyaanigu siiso Ciidamada Amniga Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya.
May be an image of 5 people and people standingMay be an image of 3 people and people standingMay be an image of 6 people and people standingMay be an image of 6 people, military uniform and outdoorsGoobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this