Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo kulan la qaatay Amiirka magaalada Riyaad

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1679462355186.jpg?resize=720%2C47

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan la qaatay Amiirka Magaalada Riyaad ee Caasimadda dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Amiir Faisal bin Abdulaziz bin Ayyaf iyo xubno ka tirsan Madaxda Dowladda Hoose ee Magaalada Riyaad.

Amiirka Riyaad iyo Duqa Muqdisho ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga iyo wax wada-qabsiga labada Caasimadood, Isdhaafsiga Aqoonta iyo waayo aragnimada, Maareynta iyo Horumarinta Dowladdaha Hoose iyo Isku xirka (Mataaneynta) Magaalooyinka Riyaad iyo Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho ku wehlinaayay Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u jooga dalka Sacuudiga, Mudane Saalim Macow Xaaji, Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cusmaan Maxamed iyo Madax kale oo ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Amiirka Caasimada Riyaad Faisal bin Abdulaziz bin Ayyaf kaga mahadceliyay martiqaadka iyo soo dhaweynta balaaran uu usameeyay Wafdiga Caasimada Muqdisho, iyo sida uu xooga u saarayo iskaashi iyo wax wada qabsi dhex mara Caasimadaha Riyaad iyo Muqdisho.

PUNTLAND POST

The post Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo kulan la qaatay Amiirka magaalada Riyaad appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this