Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xasan Sheekh oo sheegtay guul waaweyn

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-1.jpeg?fit=2048%2C1365&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyanaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Bandhigga Waxqabadka Xukuumadda Dan-Qaran ee uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa sheegtay guulo waa weyn oo ay xukuumadda gaartay muddada ku dhow sanadka ee ay jirto. 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in ay guul weyn ahayd samata-bixinta dadkeennii Soomaaliyeed ee la dhibaateysnaa abaaraha ka jiray dalka.

Madaxweynaha ayaa xusay in mideynta dadaallada heer Qaran iyo heer caalaami ee la xiriira gurmadka abaaraha iyo la dagaallanka argagixisada ay suurta geliyeen in dowladda Soomaaliyeed ay xilli adag maareyso caqabadaha amni iyo nololeed, haatanna qorshuhu uu yahay sidii dalka dhan looga xoreyn lahaa argagixisada Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Mudane Saalax Axmed Jamaac iyo guud ahaan Golaha Xukuumadda dadaalka ay bixiyeen muddadii ay magacownaayeen, isagoo ka rajeeyey in ay sii laba-laabaan howl-gudashadooda, si ay u gaarsiiyaan shacabka Soomaaliyeed adeegyada ay mudan yihiin.

“Madashan waa ay sii socon doontaa, waxaana shacabka hor imaandoona aniga iyo mas’uuliyiinta kala-duwan ee dowladda, si bulshada soomaaliyeed ay xog ogaal ugu noqdaan shaqada loo hayo,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh. 

Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa kaga hadlay caqabadaha iyo fursadaha dowladnimada Soomaaliya, waxa uuna adkeeyey hirgelinta qorsheyaasha horumarka iyo hiigsiga shacabka Soomaaliyeed, kaddib markii dalka laga xoreeyo argagixisada Al-Shabaab, lana dhameystiro deyn cafinta iyo qabyo-tirka dastuurka, taas oo ay ugu horreyso in la gaaro isku filnaan dhaqaale iyo nololeed oo lagaga kaaftoomi karo ku tiirsanaanta deeqaha caalamiga ah. 

“Dastuurka Soomaaliya dalka dibadiisa looga hadlimaayo. Dastuurku mashruuc ma’ahan ee waa wadadii aan u mari lahayn hagaajinta aayaheena, Hay’adaha dowladda waxaa hor tabin u ah in la dhammeystiro Dastuurka KMG ah sida ugu dhaqsaha badan.”

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku ammaanay Golaha Xukuumadda soo diyaarinta iyo gudbinta shuruucdii ugu badnayd ee Xukuumad ay ku soo gudbiso 100-kii maalmood ee ugu horreysey, shuruucdaas oo aas-aas u ah dowladnimada Soomaaliyeed iyo hirgelinta nidaam ku saleysan sharci iyo dowladnimo casri ah.
Xasan-1.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 Xukuumadda-dan-qaran.jpeg?resize=696%2C4 Xasan-Aadan-Madoobe-Xamza.jpeg?resize=69 Aadan-Madoobe-1.jpeg?resize=696%2C464&ss Xamza-1.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 337166119_228272953109153_83931926846171 337389134_518056370511329_19536401338029 337159376_1562364774241360_4261228765141 337241212_769852934483841_61876124924761 337153229_1456316575175117_9105635148822 330203939_236689018738952_32391983327656 337125109_552042280244076_73211432414145 337155576_769295834406762_59918894022630 337162573_194100620016953_32952775078494 337157150_917007819441094_68345688384044 337176793_547202754167600_28364607663234 337392953_235347289080833_40718408436038

The post Sawirro: Xasan Sheekh oo sheegtay guul waaweyn appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this