Sign in to follow this  
Deeq A.

Magaalada Buuhoodle oo gebi ahaanba xiriirkii ganacsi u jartay dhinaca Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn ayaa gebi ahaanba xiriirkii ganacsiga u jartay dhinaca Somaliland.

Waxgaradka iyo ganacsatada Buuhoodle oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa dhaaciyay in aysan wax danbe oo xiriir ganacsi ah la yeelan doonin Somaliland.

Ganacsatada iyo waxgaradka ayaa sidoo kale sheegay in aanu dhulkooda dhex mari karin ganacsiga u socda ama ka yimaada Somaliland.

Go’aankooda ayay ku sababeeyeen colaadda ka taagan magaalada Laascaanood ee ka dhex aloosan labada dhinac ee SSC-Khaatumo iyo Somaliland.

Magaalada Buuhoodle oo dhacda xadka Gobolka Doollo ee DDS ayaa xuddun u ah isu-socodka ganacsiga Puntland, Somaliland, koonfurta Soomaaliya iyo dowlad degaanka Soomaalida.

PUNTLAND POST

The post Magaalada Buuhoodle oo gebi ahaanba xiriirkii ganacsi u jartay dhinaca Somaliland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this