Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo Xukun Toogasho ah Fulisay

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa Saakay xukun Toogasho ah waxaa ay ku fulisay laba ruux, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay dil hore u geysteen.

Labada ruux ee la toogtay ayaa waxaa mid kamid ah lagu soo oogay  inuu dil u geystay xaaskiisa, halka kan kale uu hore u dilay askari ka tirsanaa ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Tooshada ayaa waxaa ay ka dhacday magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed, labada kiis ee lagu soo oogay Ragga la toogtay ayaa ka dhacay magaalada.

Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidanka Qalabka sida ayaa muddooyinkii dambe waday fulinta qisaasta dad lagu soo eedeeyay in ay dilal kale duwan ay geysteen iyo kuwa ka tirsanaa Al-shabaab.

Goobjoog News

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this