Deeq A. Posted March 16, 2023 Muqdisho (Caasimada Online) โ Xubnaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan muhiim ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa meel-mariyay saddex sharci oo muhiim ah, kuwaas oo horay u soo maray Golaha Shacabka. Senatorada Aqalka Sare ayaa hal-mar wadar ogol ku ansixiyay labada sharci ee kala ah ๐๐ข๐ง๐๐ข๐ฌ๐ ๐๐ก๐๐ซ๐๐ข๐ฒ๐๐๐๐ค๐ ๐๐จ๐๐๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐๐๐ iyo ๐๐ข๐ง๐๐ข๐ฌ๐ ๐๐ก๐๐ซ๐๐ข๐ฒ๐๐๐๐ค๐ ๐๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐ฒ๐จ ๐๐๐๐ซ๐๐ฒ๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ฅ๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐๐ฒ๐ฌ๐ข๐ ๐ ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐๐๐, waxaana ogolaaday 31 Senator oo xaadiray kulanka. Sidoo kale Golaha Aqalka Sare ayaa isla maanta meel-mariyay Hindise Sharciyeedka Dhowrista Xogta, kaas oo ay isna ansixiyeen 30 Senator, sida uu shaaciyay guddoonka. Wasiir Dowlaha Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Axmed Cismaan Diiriye oo kulanka ka hadlay ayaa u mahadceliyay Senatorada Golaha Aqalka Sare, kadib ansixintooda Hindise Sharciyeedka Dhowrista Xogta. Dhankiisa agaasimaha hayโadda Socdaalka iyo Jinsiyada oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka faceliyay tallaabada Golaha Aqalka Sare, isaga oo uga mahad-naqay meel-marinta ๐๐ข๐ง๐๐ข๐ฌ๐ ๐๐ก๐๐ซ๐๐ข๐ฒ๐๐๐๐ค๐ ๐๐จ๐๐๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐๐๐, kaas oo maanta la horgeeyay Aqalka Sare. Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in sharcigan uu muhiim u yahay guud ahaan adeegga socdaalka dalka. โSharciga Socdaalka wuxuu muhiimad gaar ah u leeyahay tayeynta adeegga socdaalka dalka, isu socodka waddamada gobolka iyo kuwa caalamka,โ ayuu yiri Cabduqaadir Cilmi Cali oo ah agaasimaha hayโada Socdaalka & Jinsiyada ee dowladda federaalka Soomaaliya. Golaha Aqalka Sare ayaa toddobaadyadii dambe dardar-gelinayay shuruucda loo gudbiyay, isaga oo goluhu dhawaanansixiyay xubnaha guddiga madaxa-banaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka dalka. Guddigan ayaa waxaa Golaha Aqalka Sare horgeeyay wasaaradda Caddaalada iyo Arrimaha Dastuurka XFS, waxaana horay usoo meel-mariyay guddigan xubnaha Golaha Shacabka. The post Aqalka Sare oo deg deg u ansixiyay 3 sharci + Sawirro appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites