Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Soomaaliya iyo Mareykanka oo heshiis ku gaaray Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
336048790_978022379765100_32326754450444

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa heshiis cusub kala saxiixday, kadib kulan maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Heshiiskan oo ku qotoma dhanka milatariga ayaa waxaa Soomaaliya u saxiixay wasiirka gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamd Nuur (Jaamac), halka Mareykanka uu u saxiixay Larry André oo ah safiirka Washington u fadhiya magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Heshiiskan ayaa gundhigiisa waxa yahay dhisidda ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan kuwa Danab, sida uu shaaciyay wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya.

“Waxaan maanta aniga iyo Danjiraha Mareykanka Mudane Larry André is-afgarad ku kala saxiixanay magaalada Muqdisho, kaas oo gundhiggiisu yahay dhisidda ciidamada XDS ee Danab. Waxaan Isku afgaraney xoojinta dagaalka lagula jiro Khawaarijta” ayuu yiri Jaamac.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in muhiimadda koowaad ay tahay in tababar gaar ah lasiiyo ciidamada Xoogga dalka oo haatan dagaal kula jira kooxda Al-Shabaab.

Jaamac ayaa sidoo kale xusay in qorshahan uu qayb ka yahay isku filnaansho ciidamada Xoogga dalka, si ay amniga ugala wareegaan ciidamada howlgalka ATMIS.

“Ahmiyadda is-afgaradkan waa in tababbar iyo qalabeyn loo sameeyo CXDS ee Danab, si loo gaaro isku filnaansho Ciidamada Qalabka Sida ay kula wareegi karaan guud ahaan amniga dalka” ayuu markale sii raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu wasiikra uga mahadceliyay dowladda Mareykanka taageerada iyo garab istaagga ay mar weliba u muujiso dowladda federaalka Soomaaliya

“Waxaan Dowladda Mareykanka uga mahad celineynaa taageerada uu mar walba la garab taagan yahay Dowladda Soomaaliya,” ayuu ku soo gabagabeeyay qoraalkiisa.

Mareykanka ayaa kamid ah dalalka sida tooska ah uga qayb-qaata dagaalka Al-Shabaab, isaga oo dhanka hawada ka taageera ciidamada Soomaaliya ee howlgallada ka wada dalka.

336217741_1250200285870669_5840581912112 336015996_1860786187626709_2987766422652 336047507_976519553757459_48805793977501 336048790_978022379765100_32326754450444

 

The post Sawirro: Soomaaliya iyo Mareykanka oo heshiis ku gaaray Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this