Deeq A. Posted March 15, 2023 Madaxweyne Muuse Biixi ayaa la filayaa in maanta oo arbaca ah uu safar ugu baxo Dalka Itoobiya. Madaxweynaha ayaa xoguhu sheegayaan in martiqaad uu ka helay dalkaas oo isagu wada dhex dhexaadinta dagaalka Laascaanood sidii loo joojin lahaa. Waxaa dalkaas hore u joogay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed Iyo Musharax madaxweynaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Cirro iyo guddoomiyaha xisbigaasi Xirsi Cali Xaaji Xasan. Sidoo kale waxaa shalay galab isna Addis Ababa gaadhey madaxweynaha maamul Puntland Siciid Deni Somaliland ayaa dhawr jeer ku eedeysay maamulka Puntland inay qeyb ka tahay dagaalka Laascaanood , waxaana Siciid Deni laftiisa ay dawlada Itoobiya kala hadli doonta arrimahaas dagaalka Laascaanood. Source Share this post Link to post Share on other sites