Sign in to follow this  
Jumatatu

RRA blame the TFG for the fighting in Baydhabo

Recommended Posts

Jumatatu   

Xubno ka tirasan Beesha RRA ayaa ku eedeeyay Xukuumada Soomaaliya in ay mas uul ka tahay Dagaalada Baydhabo

Anagoo kalla ah Xidhibaanada Magacyadooda ay hoos ku qoranyihiin Waxaan warbaahinta ku wargalinaynaa in ay nasiib daro tahay doowladi lagu dhisay shirkii dib uheshiisiinta ee ka socday Dalka Kenaya mudadii labada Sano& Barka ahayd kuna magacwaney Doowlad Dib uheshiiseenayd,

 

Warsaxaafadedku waxa uu sheegay in ay Xukuumada Federaalka dhaqaalo badan ku bixisay in ay Dagaalo badani ka dhacaan gobolada Bay iyo Bakool toos oo bay yiraahdeen dagaalada lagu hoobtay ee Iminka Socdaa ay marqaati ka yihiin,

 

Dhinaca kalle waxa ay sheegeen Xidhibaanadani markii uu booqanayay Madaxwaynaha iyo Rasulwasaaraha Soomaaliya magaalada Baydhabo in ay aad uxasilonayd iyagoo sheegay in ay Madaxwaynaha iyo Rasulwasaaruhu labaduba ay dhaqaalo ku bixiyeen kalla qaybinta Bulshada Gobolada Bay& Bakool

 

waxa aan aad uga xunahay Dagaalada bay Yiraahdeen in Dagaalo laga Abuuro Gobolo shalay xasilanaa walibana loo isticmaalo hantidii qaranku lahaa looguna talo galay in lagu badbaadiyo shacabka Soomaaliyeed Gobolada Dalkana lagu dhiso,

 

waxa ay sheegeen in warkii Shalay ka sooyeeray Wakiilka Shaati guduud ee ahaa in ay Difaacayaan Go aanka xukuumada oo ahaa dib udajinta Xukuumada ee Magaalada Baydhabo waxaa nasiib daro ah in umada lagu dagaal galiyo wax aan sharci ahayn,

 

Xubnahani waxa ay Xuseen in hadii Caasimada Qaranka labadalo waxa ay ubaahantahay Go aanka Golaha Baarlamaanka ee ah 2/3 Xubnaha Golaha Baarlamaanka

 

Baaq Nabadee

 

Waxaan ugu baqaynaa Dadwaynaha ku Nool Gobolada Bay& Bakool in ay ka shaqeeyaan Xasilinta iyo is xaqdhowraka isla markaana ay ka fakaraan dhiiga daadanaya in uu ka daadanayo dadkooda waxaa kaloo ay Baaq nabaded udireen Xubnahani dagmooyinka Qansaxdheere, Gobolka Bay Gobolka Rabbdhuure,

 

Warsaxaafadeedkan waxaa ku saxiixnaa Xidhibaanada kalla ah

 

1-Muumin Ibraahin *****

 

2-Cabdulaahi Adan Axmed

 

3- Maxamed Xuseen *****

 

4- Sh Nuur Cali Adan

 

5-Maxamed **** Cismaan

 

6- Macalin Maxamuud Maxamed Jiis

 

7- Cismaan Libaax Ibraahin

 

8- Sh ADAN Macalin *****

 

9-Cabduqaadir Sh Maxamed Nuur

 

10- ***** Maxamed Nuur Daqare

 

11- Cabdulaahi Adan Cali

 

12-Muna Ibraahin Abiikar

 

13- Caasha Cabdi Shiikh

 

14- Cabdulqaadir Adan Jabaar

 

15-Luul Cabdi Adan

 

Wali waxwara ma aysan Bixin Sh Adan Madoobe Shaati Guduud,iyokiishburo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Wasiiro & Xildhibaano ka soo jeeda Bay & Bakool oo dagaalada ka soconaya Baydhabo ku eedeeyey in uu ka dambeeyo Cali Max’ed Geeddi

Warsaxaafadeed ay maanta Nairobi ka soo saareen xildhibaano & wasiiro ka tirsan dowladda FKMG ah ee Soomaaliya, kana soo jeeda beelaha Bay & Bakool ayaa ku eedeeyey dagaalada ka soconaya magaalada Baydhabo xubno ka tirsan xukuumadda federaalka, uuna ka mid yahay ra’isul wasaare Cali Max’ed Geeddi.

 

Xubnahan waxey sheegeen xubnahan oo qaarkood ka mid ahaa xubno horay u tegay magaalada Baydhabo in magaaladaasi ay xasilooneyd xilligii ay booqashada ku tegayaan.

 

“Waxaa arrin laga xumaado ah in madaxweynaha & ra’isul wasaaraha ay lacag ku bixiyeen kala qeybinta shacabka ku dhaqan gobolada Bay & Bakool oo ahaa deegaano horay u xisiloonaa†ayaa lagu yiri warsaxaafadeedkaasi oo sidoo kale lagu sheegay in markii garoonka magaalada Baydhabo ay kooxo maleeshiyooyin ah ku hor istaageen dayuuradii sidey wefdigii madaxweynaha & ra’isul wasaaraha in iyaga oo goob joog ahaa ay arrintaas waxba ka qaban waayeen hogaamiyeyaasha RRA-da, isla markaana uu ahaa Xaabsade mas’uulka keliya ee suurtageliyey in maleeshiyadaasi ay ka hor wareegaan dayuuradi uu saarnaa madaxweynaha, waxeyna ka digeen in dhaqaalihii adduunku ugu deeqay dhammeystirka geedi socodka nabadda Soomaaliya in loo adeegsado weeraro lagu qaado deegaano nabdoon.

 

“Waxaa dhibaato ah in xildhibaankii shalay badbaadiyey dhibkii ka imaan lahaa maleeshiyooyinkaasi in maanta lagu bixiyo qarash xoogan siddii loo weerari lahaa, lagagana taqalusi lahaa†ayaa lagu yiri Warsaaxafadeedkaasi oo sidoo kalena lagu sheegay in fikir-ka qof kasta uu qabo uusan ku mudan dhibaateyn, ayna iyagu ra’yi ahaan ay qabaan in magaalada Muqdisho ay dowladdu farriisin ka dhigato sida uu qorayo axdiga, waxeyna tilmaameen xildhibaanadaasi in ay ka soo horjeedaan qorshaha Baydhabo ay dowladdu ugu sii hakaneyso.

 

“in Muqdisho laga bedelo caasimadnimada waxey u baahan tahay in la helo codadka 184 xildhibaan oo baarlamaanka ah, suurtagalna ma ahan in madaxweynaha & ra’isul wasaaruhu horseedaan jebinta dastuurka†ayaa lagu yiri warsaxaafadeedkaasi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this