Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Shir xasaasi ah oo lagu qiimeynayo Soomaaliya oo Nairobi ka furmay

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG-20230310-WA0096.jpg?fit=1280%2C854&s

Nairobi (Caasimada Online) – Shir muhiim u ah Soomaaliya oo diiradda lagu saarayo arrimaha deyn cafinta ayaa magaalada Nairobi uga furmay dowladda federaalka Soomaaliya iyo Hey’adda lacagta adduunka ee IMF.

Sidoo kale shirkaan waxaa qeyb ka ah quburro ka socota Bangiga Adduunka, waxaana shirkaan hoggaamineysa wasaarradda Maaliyadda Soomaaliya, iyadoo lagu gorfeynayo arrimaha muhiimka u ah sharuudaha barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliyaayaa lagu qiimeynayaa shirkaan, iyadoo baaritaano iyo warbixino ku saabsan horumarinta hannaanka maamulka guud ee dhinaca Maaliyadda Soomaaliya lagu soo bandhigayo shirkaan.

Shirkaan ayaa sidoo kale waxa looga arrinsanaya sidii xoogga loo saari lahaa dhamaystirka Deyn Cafinta Soomaaliya, iyadoo la isla eegayo sharuudaha iyo barnaamijka muhiimka ah sidii loo gaari lahaa barta dhammaystirka Deyn Cafinta Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo shirkaan si rasmi ah furay ayaa sheegay in ay muhiim tahay in fulinta sharuudaha lagu heshiiyay, kicinta dakhliga gudaha iyo xoojinta hannaanka Maamulka Guud ee Maaliyadda dalka (PFM).

“Waxa maanta noo bilowday dib eegistii 5aad ee barnaamijka ECF aan leenahay Hey’adda IMF. Waxa aan uga hadli doonaa horumarka aan ka samaynay kicinta dakhliga gudaha, hannaanka MaamulkaMaaliyadda Guud iyo Dowlad wanaagga. Waxa naga go’an in aan sii xoojino dib-u-habeynta Maaliyadda dalka keenna,” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi M. Nuur.

Shirkaan ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalaya, wasaaradaha qorshaynta iyo Caddaaladda, Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, xubno ka socda xafiisyada Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Wakiilo ka socda Hey’adaha IMF, Bangiga Adduunka, Bangiga Horumarinta Afrika iyo Hey’adaha kale Soomaaliya ka taageera kabka miisaaniyadda.

Mudo sanado ah waxaa Soomaaliya ku socota qiimeyn dhanka maamulka maaliyadda ah, si loo marsiiyo tijaabo sababta in marka dambe laga cafiyo deymaha ay dunidu ku yeelatay intii ay burbursaneed Soomaaliya.

IMG-20230310-WA0094.jpg?resize=696%2C464 IMG-20230310-WA0096.jpg?resize=696%2C464 IMG-20230310-WA0097.jpg?resize=696%2C464 IMG-20230310-WA0098.jpg?resize=696%2C513 IMG-20230310-WA0092.jpg?resize=696%2C464 IMG-20230310-WA0095.jpg?resize=696%2C522 IMG-20230310-WA0093.jpg?resize=696%2C464

The post Sawirro: Shir xasaasi ah oo lagu qiimeynayo Soomaaliya oo Nairobi ka furmay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this