Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif Oo Si Kulul Ugu Jawaabay Xukuumadda Madaxweyne Biixi

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Laascaanood)-Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, Mudane Cabdirsaaq Khaliif oo haatan ku sugan magaalada Laascaanood ayaa ka hadlay xaaladda magaaladaasi, isaga oo si kulul ugu jawaabay xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Cabdirisaaq Khaliif oo u warramay Wariye Maxamed Yuusuf Bakayle ayaa ka jawaabay eedeynta Somaliland ee ku aadan in argagixiso ay ka dagaalameyso Laascaanood, isla-markaana isaga oo ah guddoomiyaha Golaha Wakiilada uu garab siinayo kooxahaasi.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in uu la socdo ficillada xukuumadda, balse waxa uu tilmaamay inay uga sii darayaan xaaladda taagan, ayna sii kicineyso dareenka shacabka.

“Aniga runtii i damqi-meyso waan maqlayey dad noocaas u hadlaya oo aan laheyn macno badan waxaanse is leeyahay waxay ku hadlayeen afka xukuumadda,” ayuu yidhi Khaliif.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in madaxweyne Biixi ayna daacad ka aheyn xabad joonin, isla-markaana uu isagu xagal daaciyay wax kasta oo lagu gaadhi lahaa nabadda.

“Dhibka magaalada ka dhacay wuxuu isugu jiraa mid nafeed oo aad u ballaaran oo lagu qiyaasi karo dad ka badan 200 oo qof inay ku dhinteen dhinaca shacabka, waxaa dhaawac soo gaaray in ka badan lix boqol oo qof” ayuu yidhi guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif.

Waxa kale oo uu raaciyay “Waxaa burbur soo gaadhay kaabayaashii dhaqaalaha iyo goobihii adeegga guud oo ay ugu horreeyaan cisbitaalka, burburkaas wuxuu soo gaaray masaajidada”.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in xittaa burbur soo gaadhay gurigiisa oo ku yaalla magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

“Guriga aan daganaa duqeymaa ku dhacay burburna wuu gaaray, wuxuuna kamid ahaa guryihii magaalada ee sida ba’an loo duqeeyay,” ayuu markale yidhi guddoomiyuhu.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this