Deeq A. Posted March 6, 2023 Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo xalay khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacday magaalada Boosaaso ayaa si adag uga hadlay dagaalka Laascaanood. Madaxweyne Siciid Deni ayaa ugu horrayn caddeeyay in aysan Puntland gebi ahaanba qayb ka ahayn dagaalkaas islamarkaana ay ku kalsoon tahay in dadka SSC ku filan yihiin difaaca dhulkooda. Waxaase uu sheegay in Puntland ay diyaar u tahay in ay dagaalka qayb ka noqoto haddii dadka Reer SSC-Khaatumo ay ka dalbadaan arrintaas. Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Puntland ay Taliska Muuse Biixi kula xisabatami doonto dhibaatada uu ka geystay Gobolka Sool gaar ahaan magaalada Laascaanood. Halkaan ka daawo Khudbiisa PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo si adag uga hadlay dagaalka Laascaanood appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites