Deeq A. Posted March 4, 2023 “Xisbiga WADDANI waxa uu si adag u canbaaraynayaa duullaanka faro-gelinta ah ee maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland ku soo qaadday gudaha Somaliland, Xisbiga WADDANI waxa uu bogaadinayaa ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, in ay iska difaaceen duullaankaas gardarada ah, cid kasta oo dibedda kaga soo duusha nabad gelyada iyo ammaanka Jamhruuriyadda Somaliland, Xisbiga WADDANI waa uu ku garab taagan yahay Ciidamadda Qaranka difaacidda madax bannaanida dhuleed ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Dadyowga meelaha ka baxsan Jamhuuriyadda Somaliland ka soo gurmanaya ee qoriga dhiigga leh, colaadda Laascaanood kaga qeyb qaadanaaya, waxa aan leeyahay; balaayo laysugu habar wacdaa, waxa ay keentaa colaad hurta iyo hurguma raagta. “ Murashaxa Xisbiga Waddani Dr. Cabdiraxmaan Cirro Goordhaw la soco muuqaalka Source Share this post Link to post Share on other sites