Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka hadlay amniga Muqdisho iyo falalkii ka dhacay maalmihii la soo dhaafay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16778468647775882.jpg?resize=720%

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo maanta hadal ka jeediyay Masaajidka Isbahaysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan amniga caasimadda iyo falalkii ka dhacay maalmihii la soo dhaafay.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa tacsi u diray qoysaska, qaraabada iyo dhammaan ehellada ay ka geeriyoodeen dhallinyaradii bajaajleyda ahayd ee ay maalmihii pabsoo dhaafay dileen qaar ka mid ah askarta dowladda, waxa uuna sheegay in dhammaantood gacanta lagu hayo, lana horkeenayo sharciga.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa tilmaamay in ciqaabta sharci ee ugu adag la marinayo askari kasta oo gabood-fal ku sameeya shacabka, xukuumadduna ay xoogga saareyso ilaalinta anshaxa iyo howl-gudashada Ciidamada Qalabka Sida, iyadoo goobaha hubinta dadweynaha ee gudaha Caasimadda laga mamnuucay askari isticmaalaya maandooriyeyaasha.

Madaxda isticmaasha waddooyinka ay yaalaan baraha Kontoroolada ayuu ugu baaqay Ra’iisul Wasaaruhu in ay si habboon ula dhaqmaan ciidamada, maadaama ay u taagan yihiin sidii ay cadowga ummadda Soomaaliyeed uga difaaci lahaayeen.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka hadlay amniga Muqdisho iyo falalkii ka dhacay maalmihii la soo dhaafay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this