Sign in to follow this  
Deeq A.

14 qof oo ku dhintay duufaan ka dhacday Madagaskar iyo Mozambique

Recommended Posts

Deeq A.   

Ugu yaraan 14 qof ayaa ku dhintay, 7 ka mid ah ayaa ku dhintay Madagaskar, halka 7 ay ku dhinteen Mozambique, ka dib markii ay duufaan ku dhufatay deegaanada dalalkaasi .

Tirada dadka ay saameysay duufaanta Freddy ayaa gaartay 383,000 -,iyadoo  Madagascar  ay ku barakaceen 226,000,halka Mozambique la sheegay  163,300 , sida lagu sheegay warbixintii ugu dambeysay ee Qaramada Midoobay.

In kasta oo xoogga Duufaanta Freddy aysan ahayn sidii la filaayey, haddana,boqollaal kun oo qof ayaa u baahan gargaar bani’aadamnimo.

Soo kabashada waxay qaadan doontaa bilo,” Pasqualina Di Sirio, oo ah wakiilka barnaamijka cuntada adduunka ee Madagascar ayaa u sheegay BBC.

PUNTLAND POST

The post 14 qof oo ku dhintay duufaan ka dhacday Madagaskar iyo Mozambique appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this