Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamanka Puntland oo u yeeray Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1676896143224.jpg?resize=720%2C48

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa Guddoomiyey shirka 2-aad ee Guddiga joogtada ah, kaas oo maanta ka qabsoomay aqalka Golaha Wakiillada.

Fadhiga maanta ayey Mudanayaashu uga doodeen arrimo ay kamid yihiin xaaladda magaalada Laascaanood, diiwaangelinta codbixiyeyaasha  Golleyaasha deegaanka Puntland ee hal qof hal cod.

Dood iyo falanqayn dheer kadib, waxay Guddiga joogtada ahi go’aamiyeen:-

1. In loo yeero Guddiga Xukuumadda Dawladda Puntland u magacawday Arrimaha Bini’aadantinimada iyo Gudiyada kale ee Taakulaynta dadka ku waxyeeloobay xasuuqa maamulka Somaliland uu ka wado Laascaanood.

2.  In loo yeero Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka DPL, si wax looga weydiiyo qorshaha xukuumadda ee ku aaddan xaaladda Gobolka Sool.
3. In loo yeero Guddiga ku meel gaarka ah ee Doorashada Puntland, si wax looga weydiiyo Barnaamijka diiwaan-gelinta cod bixiyayaasha Goleyaasha Deegaanka Puntland.

Ugu dambeytii, guddiga joogtada ahi waxay isla qaateen in ay yeeshaan fadhiyo aan caadi ahayn inta laga dhammaystirayo qodobada kor ku xusan. 

DHAMMAAD

The post Baarlamanka Puntland oo u yeeray Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this