Deeq A. Posted February 20, 2023 Kuuriyada Waqooyi ayaa laba gantaal oo kuwa ridada gaaban ah ku ridday xeebaha bari ee gacanka Kooriya, sida laga soo xigtay militariga Kuuriyada Koonfureed. Taliska Milatariga ayaa sheegay in ay si adag u cambaareynayaan labada weerar,iyagoo ku tilmaamay fal daandaansi ah. Gantaaladaasi,waxaa laga tuuray magaalo xeebeedka galbeed ee waqooyiga caasimadda Kuuriyada Waqooyi subaxnimadii maanta, sida ay bayaan ku sheegeen madaxda isku dhafka ah ee shaqaalaha Kuuriyada Koonfureed. Warbaahinta dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in gantaaladaasi ay yihiin kuwo loogu talagalay in lagu naafeeyo garoomada diyaaradaha ee cadowga. PUNTLAND POST The post Kooriyada Waqooyi oo tijaabisay dhawr Gantaal appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites