Sign in to follow this  
Gabbal

What is to be taken of Somalia's political standoff?

Recommended Posts

Gabbal   

Xubanaha labada gole ee muqdisho oo wali isku afgaran la’ wada hadal ay la furaan dhinaca dowladda FS ee Jowhar

 

 

Mogadishu 28, Sep. ( Sh.M.Network) Xubnaha labada gole ee Muqdisho ku sugan ayaa isku afgaran la' qodob uu hordhigay wasiirka dib u dhiska iyo dib u dejinta dowladda FS Barre Hiiraale, qodobkaasi oo ku saabsan in ay ka ogolaadaan in uu isaga garabyada dowladda ee Muqdisho iyo Jowhar ku sugan uu isu keeno oo dib uu u heshiisiiyo.

 

Kulan dheer oo maanta ay yeesheen xubnaha labada gole isla markaana k dhacay hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho loogana hadlayay qorshe uu waday wasiirka Dib u dhiska iyo dib u dejinta dowladda FS Barre Hiiraale oo la xiriirey in uu isku soo dhaweynayo labada gole ee Muqdisho iyo Jowhar ku kala sugan ayaa wali si rasmi ah la iskula afgaran, iyadoo maanta l filayay marka la isku afgarto kulankaasi iyo qodobada uu wabo Barre Hiiraale uu shir jaraa'id ku qabto Hotel saxafi si uu ula hadlo saxaafadda iyo waxyaabihii uu damacsanaa iyo sida looga ogolaaday iyo qorshaha uu doonayay.

 

Hasayeeshee shirkaasi Jaraa'id ayaan qabsoomin, iyadoo dib loo dhigay.

 

Barre Hiiraale ayaa qorshahaan hordhigay shalay labada gole ee Muqdisho ku sugan, waxaana kulan dheer oo ay ku daaheen waxnatiijo ah aysan ka soo bixin oo loogu jawaab celinayay Barre Hiiraale.

 

Xubno ka tirsan labada gole oo shalay shirkaasi ka qeybgalay ayaa shabelle u sheegay in xildhibaanada inta badan ay ogolaadeen balse 4 mas'uul oo dowladda Ka tirsan Muqdishona ku sugan iyagu shirkaasi ay ka soo horjeesteen, waxaana la sheegay 4taasi mas'uul ay ka mid yihiin ragga magaalada Muqdisho ku hubeysan oo iyagu saluugay habka Barre Hiiraale uu wax u wado iyo qaabka uu ku doonayo in iyaga iyo madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo Ra'isulwasaaruhuba ay ku wada heshiiyaan.

 

Waxaa jirey mudanayaal ka tirsan baarlamanka FS oo yimid Hotel Amiira oo kulankaasi ka socday balse markii dambe isaga soo dhaqaaqeen ka dib markii ay xaanaaqeen sida iyagu ay tilmaameen waxa ayna sheegeen in sababaha shirka ay uga soo baxeen ay la xiriirtey, iyadoo Gudoomiye K.xigeenka 2aad ee Baarlamanka uu maanta shir isugu yeeray xubnaha Baarlamanka, hassyeeshee kulankaasi uu baaqday ka dib markii shir kale oo ka dhan ah lagu qabtey Hotel Amiira ee magaalada Muqdisho.

 

 

Shabelle Media Network, Mogadishu

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this