Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland iyo Galmudug oo adkeeyay iskaashiga dhinaca Amniga ah

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1676655760983.jpg?resize=720%2C48

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Faysal Sheikh Cali ayaa kulan la qaatay Nabadoonada iyo Odoyaasha labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug.

Kulan ka waxaa qayb ka ahaa Taliyayaasha qaybaha Booliska Gobolka Mudug ee Puntland iyo Galmudug, Nabadoono, Waxgarad, Saraakiil iyo masuuliyiin kale.

Shirkan oo mudo saacadaa socday ayaa looga hadlay Xoojinta Nabada, ka hortaga xirmaysiga  dhulka ka caagan deegaamaynta iyo sidii loo sii amba qaadi lahaa wada hadaladii horay usocday waxaana shirka ka soo baxay qodobada hoos ku xusan.

1. in ay mabnuuctahay Xirmaysiga dhul daaqsimeedka ay ka caagantahay Deegaamaynta.

2. In la fududeeyo lana dadajiyo Bixinta magahii horay loogu heshiiyey loona balamo wakhti rasmiya.

3. In la isu celiyo hantida ku kala maqan labada dhinac sida Xoolaha iyo Dhulalka loona balamo wakhti cayiman.

4. In wacyigalin Bulsho loo sameeyo Bulshada iyo xoola dhaqatada Deegaanada  Bariga Magaalada Gaalkacyo si loo xoojiyo Nabada iyo wada jirka Bulshada.

Ugu danbayna Shirkan ayaa sii socon doona iyadoo si faah faahsan looga wada hadli doono qodobka 1aad, lagana soo saaro Go’aano iyo heshiis lagu xukumayo Dhulka ka caagan Deegaanta.

PUNTLAND POST

The post Puntland iyo Galmudug oo adkeeyay iskaashiga dhinaca Amniga ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this