Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay la wareegayso Hanti kasta oo lala xiriiriyo Argagixisada

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20230214_171355945.jpg?resize=100

Guddiga Qaran ee la dagaalanka Lacag Dhaqidda iyo ka hortagga Maalgelinta Argagixisada ayaa faray Shirkadaha Isgaarsiinta inay diiwaangeliyaan macaamiisha qaadanaya Sim Kaarada Cusub, ugu yaraan laga qaado sawir iyo farro, kuwa hore u qaatay Sim kaarada in dib loo diiwaangeliyo muddo 90 cisho.

Sidoo kale waxaa la xadiday lacagaha lagu diro Taleefanada (Mobile Money) dhaq dhaqaaqyada maalinlaha uusan ka badnaan $300 (Sadeex Boqol oo dollar).

Warsaxaafadeed ay guddigan soo saareen ayay ku sheegeen inay dowladdu la wareegeyso si waafaqsan sharciga ka hortaga lacag dhaqida & La-dagaalanka Maalgelinta Argagixisada, hanti kasta oo lala xiririyo Alshabaab, isla markaana xayiraad safar ayay kusoo rogeyso cid kasta oo xiriir la leh  Shabaab.

Guddigan ayaa sidoo kale kusoo rogay shirakadaha ganacsiga, dadka ka ganacsada dhulalka & dhismayaasha  inay iska diiwaangeliyaan wasaaraddaha iyo hay’addaha ku shaqada leh muddo sadex 3 usbuuc gudahooda ah.

FB_IMG_1676382909683.jpg?resize=720%2C11 FB_IMG_1676382917536.jpg?resize=720%2C13 FB_IMG_1676382927772.jpg?resize=720%2C95

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay la wareegayso Hanti kasta oo lala xiriiriyo Argagixisada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this