Sign in to follow this  
Deeq A.

Koonfur Afrika oo ku dhawaaqday Musiibo Qaran kadib daadad ku rogmay dalkaas

Recommended Posts

Deeq A.   
k-af.jpg?resize=624%2C416&ssl=1

Koonfur Afrika ayaa ku dhawaaqday masiibo qaran, ka dib markii roobab mahiigaan ah ay sababeen in todobo ka mid ah sagaalka gobol ee ay ka kooban tahay ay daadad ku rogmadeen,isla markaana ay  burburiyeen wadooyin iyo buundooyin.

Hay’adda cimilada ee qaranka ayaa saadaalisay in roobabka xooggan ay sii jiri doonaan maalmaha soo socda, iyadoo khasaare badan uu soo gaaray beeralayda dalkaasi,sida lagu yiri war ka soo baxay madaxtooyada.

Dawladdu waxay ku dhawaaqday xaalad masiibo ah oo heer qaran ah si ay awood ugu yeelato in si degdeg ah looga jawaabo saameynta fatahaadaha,sida lagu sheegay bayaanka, balse laguma sheegin khasaaraha ka dhashay roobabkaasi.

PUNTLAND POST

The post Koonfur Afrika oo ku dhawaaqday Musiibo Qaran kadib daadad ku rogmay dalkaas appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this