Deeq A. Posted February 13, 2023 Dagaal xooggan ayaa caawa billaamay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Dagaalkan oo u dhexeeya ciidammada qaranka Somaliland iyo maleeshiyaad nabad-diid ah ayaa galay maalintii sideedaad. Waa markii ugu horraysay ee xilli habeenimo ah uu dagaal ka dhaco magaalada Laascaanood tan markii uu dagaalku billaamay. Illaa hadda lama oga khasaaraha dhabta ah balse wararka soo gaadhaya Somalilandtoday ayaa sheegaya in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh. Waxa aan illaa hadda hirgelin xabad-joojin bilaa shuruud ah oo ay maalmo ka hor ku dhawaaqday xukuumadda Somaliland. Source Share this post Link to post Share on other sites