Deeq A. Posted February 12, 2023 Dowladda Turkiga ayaa Xabsiga dhigtay 33 qandaraasleyaal dhismo sababo la xiriira cillado dhanka dhismaha ah iyo khaladaad dhismaha la xariiro oo lagu arkay Magaalada ugu weyn koonfur bari Turkiga ee Diyarbakir, taasi oo uu aad u sameeyay Dhul-gariirkii halkaasi ka dhacay dhawaan. Wakaalada wararka Anatolia, ayaa sheegtay in xafiiska xeer ilaalinta ee Diyarbakir uu bilaabay baaritaan ku aadan sidii loo ogaan lahaa cilladaha iyo khaladaadka la xiriira dhismooyinkii ku burburay dhulgariirkii Isniintii la soo dhaafay ku dhuftay magaaladan. Wakaaladda ayaa intaas ku dartay in weli ay socdaan baaritaanno lagu hayo qandaraaslayaasha la xerxeray ee qaabilsanaa dhismaha magaalada Diyarbakir. PUNTLAND POST The post Dowladda Turkiga oo xabsiga dhigtay Qandaraaslayaal dhisme appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites