Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal maalintii saddexaad ka socda magaalada Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   

Dagaal la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa maalintii saddexaad ka socda magaalada Laascaanood, iyadoo dhinacyada ku dagaallamaya iyo dadka shacabka ahba uu kasoo gaadhey khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

War qoraal ah oo ay soo saartay Xukuumadda Somaliland ayay ku sheegtay in maalintii saddexaad weerar lagu soo qaadey ciidamada Qaranka, iyaguna ay difaac ku jiraan.

Sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobey ayaa sheegay in dagaalkan ay ku barakaceen in ka badan 80kun oo qof, kuwaasi oo ka yaacay dagaalka dushooda ka bilaabmay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this