Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay ka dhigan tahay guusha ay DF ka gaartay hawada Soomaaliya?

Recommended Posts

Deeq A.   
garoonka.jpg?fit=975%2C648&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa 30 sano kadib xalay si rasmi ah ula soo wareegtay amniga hawada Soomaaliya, ayada oo heshay aqoonsi caalami ah oo aad u sarreeya tan iyo burburkii dalka.

Maareeyaha hey’adda duulista Axmed Macalin Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa faah-faahin ka bixiyay waxa ay ka dhigan tahay guushan iyo in Soomaaliya ay la soo wareegto sharciga lagu maamulayo hawada, kaas oo ay dowladda federaalka gelisay dadaal xoogan.

Sharcigan ayaa dhigaya in hawada Soomaaliya ay tahay amni ah oo la’isku halleyn karo, waxaana maamuleysa dowladda federaalka oo haatan toos loogu soo wareejiyay.

Axmed Macallin oo ka hadlayey arrintan ayaa shaaciyay in markii hore ay Soomaaliya ku shaqeyneysay heerka hoose, balse ay hadda u wareegeen heerka sare oo muhiim ah.

“Hawada Soomaaliya 30-kii sano ee la soo dhaafay waxay ku shaqeyneysay heerka ugu hooseeya marka ALXM muddo sanad ah ayaan wadnay inaan heerka sarreeyo geyno hawadas Soomaaliya, tan iyo markii aan la soo wareegnaym” ayuu yiri Maareeyuhu.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in arrintan ay faa’ido weyn u leedahay Soomaaliya, isla-markaana ay shaqeyn doonaan lacag ka badan tii ay horay u soo saari jireen.

“Soomaaliya waxay noqoneysa Class A oo meesha ugu sarreysa mas’uuliyadda ugu badan Soomaaliya ayey fuuleysaa lacagta aan soo saari jirnay ka badan ayaan soo saareynaam, haddii uu Ilaah yiraahdo,” ayuu markale wareysiga ku yiri Mudane Axmed Macallin.

Waxa kale oo uu intaas ku daray in arintan ay muhiim u tahay badqabka diyaaradaha isla-markaana ay haatan diyaarado caalami ah kusoo dhiiran doonaan Soomaaliya.

“Badqabadka diyaaradahana wuxuu noqonayaa meeshii ugu sarreysay diyaarado badan ayaa ku soo dhiiran Soomaaliya oo hadda ka leexda hadda shuruuda waa buuxinay,”.

Si kastaba, hawada Soomaaliya ayaa markii hore waxaa gacanta ku heysay hay’adah ka tirsan QM, waxaana laga maamuli jiray magaalada Nairobo, balse sanadihii u dambeeyay loo soo wareejiyay Muqdisho, ayada oo haatan dowladda ay ula wareegtay amniga hawada.

The post Maxay ka dhigan tahay guusha ay DF ka gaartay hawada Soomaaliya? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this