Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo shardi ku xirtay shirka Isimada SSC ee Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1674296420255-1.jpg?resize=720%2C

Mas’uuliyiinta Somaliland ee ku sugan Taliska Gooja-cadde ee duleedka Laascaanood ayaa shardi ku xiray shirka Isimada SSC uga furmaya magaalada Laascaanood.

War-saxaafadeed kooban oo ka soo baxay Taliska Gooja-cadde ayaa qabsoomidda shirka Isimada ee Laascaanood shardi looga dhigay in aanu liddi’ ku ahayn jiriraanka Somaliland.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale digniin lagu siiyay cid kasta oo ka tirsan dowlad kale in ay soo fara-geliso xiisadda Laascaanood.

Shardiga mas’uuliyiinta Somaliland ku xireen qabsoomidda Shirka Laascaanood ayaa u muuqda mid ay isku muujinayaan balse aan wax saamayn ah lahayn.

PUNTLAND POST

The post Somaliland oo shardi ku xirtay shirka Isimada SSC ee Laascaanood appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this