Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: QOOR QOOR oo shir ku qabtay Xarardheere + Ujeedka

Recommended Posts

Deeq A.   
322962474_2041395712712938_7209752919582

Xarardheere (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmuudg, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo haatan ku sugan magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa guddoomiyay shir looga hadlayey amniga oo ka dhacay degmadaasi.

Kulankan waxaa sidoo kale goobjoog ahaa Wasiirka Gaashaandhigga , Cabduqaadir Maxamed Nuur, Taliyaha ciidamada dhulka Maxamed Tahliil Biixi iyo saraakiil kale.

Intiisa badan waxaa shirkan diiradda lagu saaray adkeynta amniga degmada Xarardheere, gaar ahaan ka hortagga weerarada Al-Shabaab  iyo xoraynta deegaanada kale.

Sidoo kale Qoor Qoor ayaa xog waraystay saraakiisha amniga ee gacanta ku heysa degmada iyo qorshayaasha socda ee ku aaddan sii wadida howlgallada ka socda halkaasi.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa sidoo kale ku amaanay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, sida ugu istaageen xoreyna ay ka wadaan gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Dhankooda saraakiisha ciidamada huwanta ee qabtay Xarardheere ayaa madasha ka hadlay, waxayna shaaciyeen inay sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.

Howlgalladii ugu ballaarnaa oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ayaa haatan ka socdo Galmudug, waxayna ciidamadu kula wareegeen degmooyinka wa weyn, sida Ceeldheer, Xarardheere iyo Galcad oo ka tirsan labadaasi gobol oo dhaca bartamaha Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan, waxaana qaybo badan oo ka mid ah gobolladaas laga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo oo ay wadaan labada dhinac.

Si kastaba, Al-Shabaab ayaa shalay rogaal celin ka sameysay Galgduud, kadib weerar khasaare xoogan dhaliyay oo ay ku qaaday degmada Galcad ee gobolkaasi.

327028311_1357326761700470_8416831449479 321331524_862577351742069_32191984174628 322962474_2041395712712938_7209752919582 326415338_1426434581517646_3759626637508

The post Sawirro: QOOR QOOR oo shir ku qabtay Xarardheere + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this