Sign in to follow this  
Deeq A.

Askari hubeysan oo dhacdo argagax leh ka geystay MUQDISHO

Recommended Posts

Deeq A.   
Muqdisho-scaled.jpg?fit=2560%2C1707&ssl=

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa dhacdo argagax leh oo sababtay dil iyo dhaawac oo maanta ka dhacday isgoyska Howlwadaag ee Muqdisho, kadib markii askaro ka tirsan ciidanka dowladda ay rasaaseeyay dad shacab ah.

Falkan ayaa waxaa lagu dilay wiil dhalinyaro ah oo waday Mooto, xilli uu marayey agagaarka isgoyska Howlwadaag, waxaana toogtay askar Boolis ah oo ku sugan halkaasi.

Arrinta murugada leha ayaa ah in marxuumka oo lagu magacaabi jiray Maxamed Xeyle uu xilliga la dilayay mootada ku waday hooyadiis iyo walaashiis oo lasoo wariyay inay goobta ku suuxeen, kadib dilka wiilkooda.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in rasaas kale oo ay fureen kadib dilkaasi ciidamada Booliska ee ku sugan koontaroolka Howlwadaag uu sidoo kale ku dhintay darawal kale oo ka shaqeynayey gaadiidka BL-ka halka mid kalena uu dhaawac soo gaaray.

Xaaladda goobta ayaa haatan aad u kacan, waxaana ka billowday dibad-bax ay sameyanayaan shacab careysay iyo darawallada ka shaqeeya waddadaasi.

Sidoo kale waxaa goobta deg deg ku gaaray saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska, si ay ugu baxaan xaaladda meesha ka taagan.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda oo ku aadan dhacdadaasi xanuunka badan ee maanta ka dhacday magaalada Muqdisho.

Inta badan ciidamada dowladda ayaa dilal ka geysta gudaha caasimada, kuwaas oo aad u kordhay bilihii lasoo dhaafay, taas oo walaac ku abuurtay dadka rayidka ah.

Si kastaba, madaxda dowladda ayaa marar badan ka digay dilal ay geystaan askarta dowladda, waxaa markii ugu dambeysay go’aan ka soo saaray madaxweyne Xasan Sheekh oo amar culus siiyay Maxkamadda Ciidamada si tallaabo adag looga qaado dambiileyaasha.

The post Askari hubeysan oo dhacdo argagax leh ka geystay MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this