Sign in to follow this  
General Duke

Kismayu: security situation update.

Recommended Posts

Saraakiisha Ciidamada Gobolada Jubooyinka oo amar ku soo rogay Ganacsatada Goboladaasi ku dhaqan.

 

Col. Aadan Maxamed Ibraahim "Aadan Goojaar" Taliyaha abaan duulka ciidamada xooga dalka Somalia ee gobolada Jubbooyinka ayaa maanta digniin culus usoo jeediyay hay'adaha samafalka ee ka howl gala gobolada Jubbooyinka.

 

Aadan Goojaar ayaa Hay'adaha samafalka ee ka howl gala gobolada Jubbooyinka ugu digay inaysan qaadan karin ciidamo ka baxsan kuwa ammaanka iyo qoryo u gaar ah, hase yeeshee ay ciidamo ka dalbaan karaan saraakiisha ciidamada DF.

 

 

"Hay'adaan ku aragno iyadoo shaqaaleysiisatay ilaalo u gaar ah oo hub wata, waxaan ka xiri doonaan xafiiska ay gobolada ku leedahay, mana ogolaan doono inay mar dambe dib ugu howl gasho Jubbooyinka" ayuu yiri Goojaar.

 

Goojaar Aadan Goojaar ayaa waxa uu intaas ka daray in saacadaha soo socda 100 askari ee loogu tala galay inay ammaanka Kismaayo sugaan lagu wareejin doono gaadiidka dagaalka oo ay ku howl galayaan.

 

Sarkaal u hadlay hay'ada UNICEF ayaa sheegay inaysan macquul aheyn xiligaan in ilaalo la'aan ay socdaan gudaha Jubbooyinka, isla markaana waxuu ku eedeeyay saraakiisha ciidamada DF ee Jubbooyinka inay doonayaan in askartooda loo shaqaaleeyo sida uu yiri.

 

Si kastaba ha ahaatee, arintaan ayaa sababi karta inuu is faham waa soo kala dhex galo hay'adaha Samafalka iyo saraakiisha ciidamada DF ee gobolada Jubbooyinka, taasoo dhibaato u keeni karta dadweynaha dhibaateysan ee goboladaasi ku dhaqan.

Guutaale yare Allmudug.org Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hay'ada safamafalka Jubbooyinka oo lagu amray inaysan qaadan karin ciidamo u gaar ah.

 

Kismaayo, Arbaco, April 18, 2007 Simba Radio

 

Taliyaha abaan duulka ciidamada xooga dalka Somalia ee gobolada Jubbooyinka Aadan Goojaar ayaa Hay'adaha samafalka ee ka howl gala gobolada Jubbooyinka ugu digay inaysan qaadan karin ciidamo ka baxsan kuwa ammaanka iyo qoryo u gaar ah, hase yeeshee ay ciidamo ka dalbaan karaan saraakiisha ciidamada DF.

 

Aadan Goojaar ayaa tilmaamay hadii lagu arko hay'adaha samafalka ciidamo u gaar ah in la xiri doono hay'adaha xafiisyada ay gobalka ku leeyihiin isla markaana ay dib dambe ugu howl gali doonin Jubbooyinka.

 

Taliyaha abaan duulka ciidamada xooga dalka Somalia ee gobolada Jubbooyinka Aadan Goojaar ayaa waxa uu intaas ku daray in saacadaha soo socda 100 askari ee loogu tala galay inay ammaanka Kismaayo sugaan lagu wareejin doono gaadiidka dagaalka oo ay ku howl galayaan.

 

Arintaan kasoo baxday Taliyaha abaan duulka ciidamada xooga dalka Somalia ee gobolada Jubbooyinka Aadan Goojaar ayaa ilaa iminka aysan ka hadlin hay'adaha samafalka ee ku sugan gobolada Jubbooyinka.

 

Leyla Sheekh Aadan

Kismaayo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kismaayo: ciidamo la dagaalamaya cidii hub wadata oo bari ka howl gali doona.

 

Kismaayo, Talaado, April 17, 2007 Simba Radio

 

Ciidamo loogu tala galay inay wax ka qabtaan xaalada ammaan ee magaalada Kismaayo oo tiradooda gaareysa 100 Askari oo laga soo kala aruuriyay guutooyinka 1-aad,2-aad,3-aad iyo taliska ciidamada gobolada Jubbooyinka.

 

Ciiidamadaan oo qaarkood tababar kusoo qaatay dugsiga Lugloow qaar kalena tababar kusoo dhameystay magaalada Baydhaba ayaa maanta saraakiisha ciidamada Dowlada KMG ah ee gobolada Jubbooyinka waxa ay ku hor dhaariyeen xarunta warshada ee ciidamada haatan saldhiga u yahay.

 

Saraakiisha ayaa ciidamadaan ku amray inay la dagaalamaan dadka sida sharci darada hubka ku dhex wata gudaha magaalada Kismaayo, iyadoo la sheegay in berito ay ciidamadaan si dhameystiran u howl bilaabi doonaan.

 

Taliyaha qeybta 1aad ee ciidamada gobolada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe Col. Aadan Maxamed Ibraahim “Goojaar” ayaa ciidamadaan ku amray in cidii ay arkaan iyadoo gudaha Kismaayo hub ku dhex wadata ay toogtaan dhiigoodana loo soo raacan doono saraakiisha ciidamada Dowlada.

 

Ciidamadaan oo gaaraya 100 Askari ayaa maanta waxaa loo qeybiyay darees u gaar iyadoo la siiyay gaadiid iyo hubka noocyadiisa kala duwan.

 

Ciidamadaan ayaa taliye looga dhigay Col. Faysal Axmed Maxamed iyo abaan duule Maxamed Cabdilaahi, hashe yeeshee saraakiisha ciidamada DF ee Jubbooyinka ayaa waxa ay ciidamadaas kula taliyaan inaysan u shaqeyn hab qabiil oo ay qaranimo u shaqeeyaan.

 

Leyla Sheekh Aadan

Kismaayo

Share this post


Link to post
Share on other sites

KISMAAYO:(KP)-CIIDAMADA DOWLADA SOMALIA OO ARAGTI KU TOOGANAYA CIDII LAGU ARKO AYADOO HUB KU DHAXWADATO MAGAALADA KISMAAYO:(18-04-2007)

 

Ciidamo loogu tala galay inay wax ka qabtaan xaalada ammaan ee magaalada Kismaayo oo tiradooda gaareysa 100 Askari oo laga soo kala aruuriyay guutooyinka 1-aad,2-aad,3-aad iyo taliska ciidamada gobolada Jubbooyinka.

 

Ciiidamadaan oo qaarkood tababar kusoo qaatay dugsiga Lugloow qaar kalena tababar kusoo dhameystay magaalada Baydhaba ayaa maanta saraakiisha ciidamada Dowlada KMG ah ee gobolada Jubbooyinka waxa ay ku hor dhaariyeen xarunta warshada ee ciidamada haatan saldhiga u yahay.

 

Saraakiisha ayaa ciidamadaan ku amray inay la dagaalamaan dadka sida sharci darada hubka ku dhex wata gudaha magaalada Kismaayo, iyadoo la sheegay in berito ay ciidamadaan si dhameystiran u howl bilaabi doonaan.

 

Taliyaha qeybta 1aad ee ciidamada gobolada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe Col. Aadan Maxamed Ibraahim “Goojaar” ayaa ciidamadaan ku amray in cidii ay arkaan iyadoo gudaha Kismaayo hub ku dhex wadata ay toogtaan dhiigoodana loo soo raacan doono saraakiisha ciidamada Dowlada.

Ciidamadaan oo gaaraya 100 Askari ayaa maanta waxaa loo qeybiyay darees u gaar iyadoo la siiyay gaadiid iyo hubka noocyadiisa kala duwan.

 

Ciidamadaan ayaa taliye looga dhigay Col. Faysal Axmed Maxamed iyo abaan duule Maxamed Cabdilaahi, hashe yeeshee saraakiisha ciidamada DF ee Jubbooyinka ayaa waxa ay ciidamadaas kula taliyaan inaysan u shaqeyn hab qabiil oo ay qaranimo u shaqeeyaan.

 

Wariye Mahamud Said Salaad

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamo gaar ah oo Kismayo gaarey

17 Apr 17, 2007 - 7:57:18 AM

 

Ciidamo suga ammaanka guud ee magaalada Kismaayo laguna sheegay tiradooda 100 Askari ayaa maanta lagu daariyay gudaha magaalada Kismaayo.

 

Ciidamadaan oo tababar kusoo kala qaatay dugsiyo tababar oo ku kala yaala gobolka Jubbada Hoose iyo Bay, ayaa la sheegay inay si dhameystiran berrri ka howl bilaabi doonaan gudaha magaalada Kismayo, iyagoo la dagaalami doona kooxo lagu sheegay fidno wadayaan oo magaalada ku sugan.

Aadan Goojar taliyaha ciidamada gobolada Juboyinka ee dowlada KMG ah ee Somalia oo maanta ka hadlay xaflad lagu dhaarinayay ciidamadaasi ayaa ku booriyay inay u shaqeeyaan qaab qarimo ayna iska dhaafaan qabiileysi iyo wixii la mid ah.

 

Goojaar waxuu ku amray ciidamadaasi inay aragti ku toogtaan cidii ay arkaan iyadoo hub ku dhex wadata gudaha magaalada Kismaayo, isla markaana dhiiga dadkaasi la toogto ay bixin doonto dowlada KMG ah ee Somalia.

 

Ciidamadan ayaa taliye loogu dhigay Col. Faysal Axmed Maxamed iyadoo abaan duule loogu dhigay Maxamed Cabdilaahi.

 

Ciidamadaan ayaa waxaa loo qeybiyay dareys u gaar ah oo aan u ekeyn noocyada ay wataan ciidamada DF, isla markaana waxaa la siiyay gawaari buufsan iyo hubka noocyadiisa kala duwan.

 

Cabdi Fatax Axmad,GO

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this