Deeq A. Posted January 17, 2023 Wararka naga soo gaarayo degmada Ceeldheer ee gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah ula wareegeen gacan ku haynta degmada. Ciidamada ayaa degmada ka saaray ururka alshabaab oo ku sugnaa muddo dhawr sano, ciidamada ayaana sheegay in hawlgallada dib u xoreynta ay sii socon doonaan. Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ku dhawaaqay in Degmada Ceel-dheer ee gobolka Galgaduud laga xoreeyay Al-shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites