Deeq A. Posted January 17, 2023 Milatariga Soomaaliya ayaa maanta Al-shabaab kala wareegay Degaanka Ceeldheer oo ka tirsan Gobolka Galgaduud. Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in Al-shabaab laga saaray Ceeldheer islamarkaana ay si buuxda u gashay gacanta Ciidamada Qalabka sida. Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa warkaas u xaqiijiyay Saxaafadda. Waxay ku soo beegantay maalin kadib markii Ciidamadu la wareegeen Xarardheere iyo Galcad oo ka tirsan Mudug iyo Galgaduud. PUNTLAND POST The post Ciidamada dowladda oo Al-shabaab kala wareegay Ceeldheer appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites