Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Masar

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1673281028272.jpg?resize=720%2C48

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre oo ku guda jira booqashadiisa rasmiga ah ee dalka Masar ayaa galabta kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Mudane Mostafa Madbouly.

Labada Ra’iisul Wasaare ayaa ka wada
hadlay kor u qaadista xiriirka iyo xoojinta iskaashiga dhaqan dhaqaale ee u dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah Soomaaliya iyo Masar, iyada oo Masar ballanqaadeyso inay Soomaaliya ku garab istaagto dib u dhiska iyo horumarka Soomaaliya.

Kulanka kadib ayaa labada dowladood ee Soomaaliya iyo Masar waxay si rasmi ah u kala saxiixdeen heshiisyo ku saabsan waxbarashada, warfaafinta, diinta iyo awqaafta iyo dhaqanka.

Heshiisyada waxaa dhinaca Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Abshir Cumar Huruse, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Daud Aweys Jaamac.

FB_IMG_1673281011259.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1673281015442.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1673281019652.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1673281023943.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1673281028272-1.jpg?resize=720%2C FB_IMG_1673281032924.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1673281037458.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1673281043727.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1673281050648.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1673281056063.jpg?resize=720%2C48

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Masar appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this