Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo shaacisay in ay u dhaqmayso sida dowlad madax-bannaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda Puntland ayaa ku dhawaaqday in u dhaqmayso sida dowlad madax-bannaan inta laga dhammaystirayo Dastuurka Soomaaliya oo lagu ansixinayo afti dadweyne.

Qoraal rasmi ah oo Galabta  ka soo baxay Xukuumadda Puntland ayaa lagu sheegay in Puntland u dhaqmayso sida dowlad madax-bannaan inta laga dhammaystirayo Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya.

“Inta laga dhammaystirayo Dastuurka Federaalka oo Puntland wax ka ansixisay, kadibna afti dadweyne lagu meel-mariyay, Puntland waxay lahaanaysa awoodda dowlad madax-bannaan” ayaa lagu yiri Qoraalkaas.

Qoraalkan ka soo baxay Puntland ayaa muujinaya in ay si toos ah xiriirka ugu jartay Villa Somalia oo waayadan danbe khilaaf siyaasadeed kala dhexeeyay.

Halkaan ka akhriso Qoraalka

FB_IMG_1673275953181.jpg?resize=720%2C93 FB_IMG_1673275960714.jpg?resize=720%2C93 FB_IMG_1673275965706.jpg?resize=720%2C93

PUNTLAND POST

The post Puntland oo shaacisay in ay u dhaqmayso sida dowlad madax-bannaan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this