Sign in to follow this  
XOG-ogaal

Xoogaga Muqaawamada Islaamiga ah ee soomaaliyeed oo gaaray Suuqa Jamhuuriya ee degmad

Recommended Posts

Warar xog ogaal ah oo ku dhow xoogaga muqaawamada ayaa soomaalinews u xaqiijiyey in cutubyo ka tirsan xoogaga muqaawamada ay gaareen welina ku sugan yihiin Suuqa Jamhuuriya oo ku dhow Hotelka Lafweyn oo ay joogaan ciidamada Itoobiya iyo kuwa ka tirsan DFKM.

 

 

Horumarkan ay sameeyeen xoogaga muqaawamadu wuxuu ka dambeeyey weerar ay soo qaadeen ciidamada Itoobiya oo ay xoogaga muqaawamadu ku guuleyteen in ay dib u jabiyaan.

 

 

Dad Goob joog ah ayaa sheegay in aagii dagaalku ka dhacay ay daadsan yihiin meydad Itoobiyaan ah oo aan tiradooda la sheegin.

 

 

Duqeyn xoogan oo ay ciidamada Itoobiya ku wadaan degmooyinka Huriwaa iyo Yaaqshiid ayaan weli joogsanin inta la ogyahay waxaa ilaa iyo hada ku dhintay 3 qof oo rayid ah waxaana ku dhaawacmay ugu yaraan 15 kale.

 

 

Weeraradan duqeynta ah ee soo cusboonaaday waxay sababeen in qaxu sii baaho, sida ay sheegeen Hay'adaha Qaramada Midoobay waxaa ilaa iyo hadda Muqdisho ka qaxay dad gaaraya 228000 oo u badan caruur iyo haween kuwaas oo daadsan laga soo bilaabo xadka Kenya ilaa iyo goboladda dhexe iyada oo ay jiraan dad kale oo u qaxay Somaliland iyo Puntland

 

 

Kacdoon.com+soomaalinews.com

 

 

Halkaan ka iibso waxii aad u bahan tahay oo

Share this post


Link to post
Share on other sites
BiLaaL   

Xoogagga xaq u dirirka oo gacanta ku dhigay Suuqa Jamhuuriya ee degmada Kaaraan

Posted to the Web Apr 20, 08:32

 

 

Aayaha.com, Jimce, 20 April 2007 - Warar lagu kalsoon yahay oo soo gaaraya Aayaha.com ayaa tilmaamaya in xoogagga xaq u dirirka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira ciidamada cadowga ah ee Itoobiya ay gaareen, isla markaana gacanta ku hayaan Suuqa Jamhuuriya ee degmada Kaaraan.

 

Xoogagga xaq u dirirka ayaa guullo la taaban karo maanta ka gaaray dagaalada ay kula jiraan ciidamada cadowga, iyagoo jebiyay duullaan xooggan oo ay ciidamada cadowgu saakay kusoo qaadeen goobihii ay shalay dagaaladu ka dhaceen.

 

Suuqa Jamhuuriya ee ay xoogagga xaq u dirirku gacanta ku dhigeen ayaa kaabiga u saaran Hotel Lafweyn oo xarun u ah ciidamada cadowga Itoobiya, lamana oga in ciidamada cadowgu isaga cararaeen xaruntaas.

 

Goobihii saakay lagu dagaalamay ayey joog joogayaal degaankaas ku sugan sheegeen in ay arkeen meydadka Itoobiyaanka oo daadsan dariiqyada.

 

Ciidanka cadowga ee lagu jebiyay dagaalkii maanta ayaa bilaabay in ay madaafiic ku garaacaan xaafadaha rayidku degaan ee magaalada sida degmooyinka Huriwaa iyo Yaaqshiid.

 

Ciidamada naf la caariga ah ee Itoobiya ayaa marka ay ku jabaan dagaalada ay kula jiraan xoogagga xaq u dirirka waxey bilaabaan in ay madaafiic ku garaacaan shacabka Muqdisho.

 

Madaafiicda ay tuurayaan ciidamada cadowga oo weli ku dhaceysa xaafadaha Muqdisho ayaan la ogeyn khasaaraha ay geysteen baaxadda uu la egyahay.

 

Duqeyntii ay shalay ciidamada cadowgu u geysteen xaafadaha Muqdisho ayaa waxaa ku naf waayay ugu yaraan 30 qof, iyadoo 130 kalena ay ku dhaawacmeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this