Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xasan Sheekh oo Muqdisho ka sagootiyey danjire Cabdifataax Cabdullaahi

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan saagootin ah kula qaatay Madaxtooyada Qaranka Danjirihii dowladda Itoobiya u fadhiyey Soomaaliya Cabdifataax Cabdullaahi Xasan.

Danjire Cabdilfataax waxaa u dhammaaday muddo xileedkiisa diblumaasiyadeed ee uu ku joogay Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Danjire Cabdifataax, doorka uu ka qaatay xiriirka iyo iskaashiga labada dal, wuxuuna u rajeeyey mustaqbal wanaagsan.

Dhankiisa, Danjire Cabdifataax Cabdullaahi oo Madaxweynaha uga mahad-celiyey kulankaan ayaa tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay wada-shaqeynta ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Cabdifataax ayaa dowladda Soomaaliya ku amaanay sidii ay ula shaqeysay mudadii uu ahaa dinjiraha Muqdisho u joogay dowladiisa Itoobiya, isla markaana uu gudanayey waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan xiriirka iyo iskaashiga diblumaasiyadeed oo ay la leeyihiin dalalka caalamka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladiisu ay muhiimad gaar ah siineyso wanaajinta xiriirka wadamada gobolkaan Geeska Afrika, si danaha dadka Soomaaliyeed loogu gaaro iskaashi iyo wax- la qabsiga dalalka kale ee caalamka.

Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa hadda leh xiriir wanaagsan, kadib markii madaxweyne Xasan Sheekh oo dib loo soo doortay uu la yimid dabacsanaan siyaasadeed oo dunida ay kula jaan-qaadi karto dowladiisa cusub.

322974518_522936336473324_71389658544652 323416104_1167818417428030_1276995680294 324079051_1637571806657728_8088141037112 324096377_694882335356214_53226465941609

The post Sawirro: Xasan Sheekh oo Muqdisho ka sagootiyey danjire Cabdifataax Cabdullaahi appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this