Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan Sheekh oo booqday ciidamadii lagu soo tababaray Ereteriya

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16726685920627642.jpg?resize=720%

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta kormeeray xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho oo ay ku jiraan Ciidamada Xoogga dalka ee tababarka kusoo qaatay dalka Ereteriya ayaa faray in ay u diyaar garoobaan ka qayb galka dagaalka Al-shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan qaybta ilaalo qaran gaar ahan gaaska koowaad ee Duufaan ayaa la wadaagay rajada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan in ay dhammeystiraan halganka gabagabada maraya ee dalka looga ciribtirayo argagixisada.

“Aniga iyo shacabka Soomaaliyeedba waan ku faraxsanahay dib usoo laabashadiina. Maanta wixii ka dambeeya waxaan galeynaa diyaar garoow iyo dhaqaaq aan ku wajahayno cadowga. Waxaan rabnaa in howgalka cusub ee deegaanada dhimman lagu xoreynayo uu ka degdeg bato kii hore, muddo koobana lagu soo afjaro” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ciidamadan oo Ereteriya tababar ku qaadanayay muddo saddex sano ka badan ayaa maalmihii la soo dhaafay diyaarado looga soo daabulayay dalkaas, waxaana weli dhiman qaar, kuwaas oo la faliyo in ay soo dhammaadaan bishan Janaayo.

FB_IMG_16726686206212366.jpg?resize=720% FB_IMG_16726686103261873.jpg?resize=720% FB_IMG_16726686048699351.jpg?resize=720% FB_IMG_16726686155500552.jpg?resize=720% FB_IMG_16726686007326371.jpg?resize=720% FB_IMG_16726685974160501.jpg?resize=720%

PUNTLAND POST

The post Xasan Sheekh oo booqday ciidamadii lagu soo tababaray Ereteriya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this