Sign in to follow this  
Deeq A.

Go’aano laga soo saaray xallinta muran dhuleed oo laba beelood ku dhexmaray Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Faysal Sheikh Cali ayaa Shir-gudoomiyey wajiga 2aad ee gogol Nabadeed oo ay isku arkayeen kuna wada hadlayeen laba Beelood oo walaalaa kuwaas oo ay dhex martay Dagaal ka bilowday isku qabsasho dhul ku yaala Deegaanka Biyo-Baxada ee Degmada Gaalkacyo.

Kulan kan waxaa goob joog ahaa Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug, Gudoomiye ku xigeenka Degmada Gaalkacyo iyo xisaabiyaha Wasaarada Maaliyada Gobolqa Mudug, Nabadoono iyo ergada labada beelood, gogoshan oo mudo saacadaa socotay ayaa laga soo saaray go’aamo hordhac u ah Xalinta khilaafka dhuleed ee udhaxeeya labada Beelood.

1: waxaa la farayaa labada Beelood in dib loo celiyo maleeshiya Beeleedyada labada Beel laguna celiyo xerooyinkii laga soo saaray, sidoo kalena aan cid aan ahayn Ciidanka Dowladda Puntland lagu arki karin dhulkaan ilaa inta sharciga lagu kala baxayo.

2: Dhulka waxaa si kumeel gaara gacanta ugu haynaya Ciidamada Dowladda Puntland ilaa inta ay cadaanayso cida sida rasmigaa uleh.

3: dhinacyada isku haya dhulkaan waxaa la farayaa in ay horyimaadaan sharciga si loogu kala baxo la haanshiyaha dhulkan.

4: cidna laguma arki karo dhulkan ilaa inta lagu kala baxayo cidii lagu arko ama iyadu timaada goobtan waxaa laga qaadayaa tilaabo sharciga waafaqsan.

PUNTLAND POST

The post Go’aano laga soo saaray xallinta muran dhuleed oo laba beelood ku dhexmaray Mudug appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this