Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Soomaaliya oo saxiixay Sharciga Miisaaniyada 2023

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1672509567725.jpg?resize=720%2C48

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa saxiixay Sharciga Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2023 oo Todobaadkii tagay ay ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha oo xusay kororka miisaaniyadda ayaa ku bogaadiyey Xukuumadda, gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda iyo khubarada dhaqaalaha Soomaaliyeed diyaarinta iyo jaangoynta miisaaniyad waafaqsan hiigsiga qaran ee horumarka, dib u dhiska ciidamada iyo xoreynta dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku boggaadiyey Mudaneyaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida xilkasnimada leh ee ay u guteen waajibaadka dastuuriga ah ee kaga aaddanaa miisaaniyadda cusub ee dalka oo la kordhiyey.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Soomaaliya oo saxiixay Sharciga Miisaaniyada 2023 appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this