Sign in to follow this  
Deeq A.

QOOR QOOR oo saddex arrimood kala hadlay safiirka Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo haatan ku sugan Muqdisho ayaa kulan la yeeshay Larry E. André oo ah safiirka Mareykanka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, kaas oo fadhigiisu yahay xerada Xalane.

Qoor Qoor ayaa saddex arrimood kala hadlay Larry E. André, kuwaas oo kala ah amniga  Galmudug, howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo taageerada dowladda Mareykanka.

Sidoo kale madaxweynaha Galmudug ayaa danjiraha iyo dowladdiisa uga mahadceliyay, sida ay mar weliba u garab taagan Soomaaliya, gaar ahaan doorkooda dagaalka Shabaab.

Madaxweyne Qoor Qoor oo Muqdisho uga qayb-galay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee lasoo gabagabeeyay ayaa haatan kulamo gaar gaar ah ka wada caasimada, wuxuuna shalay qaabilay danjiraha dalka Qatar ee Soomaaliya Cabdalla Binu Saalim Al-nuceymi.

Labada mas’uul ayaa si gaar ah uga wada-hadlay taageerada horumarineed ee ay dowladda Qatar ka wado deegaanada dowlad goboleedka Galmudug.

Dhaq-dhaqaaqyadan uu wado Qoor Qoor ayaa kusoo aadayo, xilli la filayo in Galmudug ay ka billowdaan howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, Mareykanka ayaa qayb ka ah dagaalkaas, wuxuuna ciidanka Soomaaliya ka taageeraa dhanka hawada, isaga oo duqeymo culus la beegsada xoogaga Al-Shabaab.

The post QOOR QOOR oo saddex arrimood kala hadlay safiirka Mareykanka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this