Deeq A. Posted December 31, 2022 Xiisad dagaal iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan ayaa saaka oo Sabti ah laga dareemaya guud ahaan Gobolka Sool. Xiisaddan u dhexayaa ciidamada Somaliland iyo Beesha Sool clan oo sii xoogaysanaysa ayaa ka dhalatay shacabkii lagu laayay Laascaanood. Degmooyinka Gobolka Sool qaarkood ayaa waxa saaka ka socda dhaq dhaqaaqyo ciidan oo iska horjeeda. Xaaladda magaalada Laascaanood ayaa sidoo kale aad u cakiran waxaana weli xiran suuqyada iyo xarumaha Ganacsiga. Somaliland ayaa ciidamo badan duldhigtay Laascaanood waxaana xalay guryaha magaalada qaarkood u daatay ciidamo lagu magacaabo RRU oo dad rayid ah xiray. Colaaddan ayaa noqonaysa middii labaad ee dhexmarta ciidamada Somaliland iyo Beesha Sool clan iyadoo tii hore ka dhacday Gobolka Cayn. PUNTLAND POST The post Xiisad dagaal oo saaka ka aloosan Gobolka Sool appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites